SS Lazio oo noqotay kooxdii ugu horreeysey ee Talyaani ah ee yeelata dayuurad u gaar ah + Sawirro

0

(Roma) 13 Nof 2020 – Kooxda SS Lazio ayaa noqotay kooxdii ugu horreeysey ee Talyaani ah ee yeelata dayuurad u khaas ah.

Dayuuraddan ayaa lagu shaqlay midabbada kooxda, iyadoo matoorrada lagu qoray taariikhdii kooxda la dhidbey ee 1900, waxaa kale oo ka muuqda Gorgorka astaanta u ah isla markaana ay ku saacsato.

Dayuuraddan ayuu haddiyad ahaan kooxda u siiyey Madaxwaynaha kooxda, Claudio Lotito, si ay ugu adeegsato kulamada doolka ay tahay ee ay kusoo ciyaarayso Yurub.

Waxay Lazio sidaa kula mid noqonaysaa kooxo yar oo fara ku tiris ah oo Yurub ah oo leh dayuuradohooda khaaska ah sida; Real Madrid, Borussia Dortmund, Manchester United iyo Barcelona.

Dayuuradda oo lagu tijaabiyey gegada caalamiga ah ee Ciampino Roma, ayaa samaysay duullimaadkeedii ugu horreeyey.

Halkan ka daawo sawirradda…

Hadalsame Media