DF Itoobiya oo guulo ka sheegatay dagaalka Tigraay & malliishiyaadka TPLF oo dad rayid ah baangado ku gumaaday, Amnesty

0
A volunteer donates blood for the injured members of Ethiopia's National Defense Forces (ENDF) fighting against Tigray's special forces on the border between Amhara and Tigray, at the stadium in Addis Ababa, Ethiopia November 12, 2020. REUTERS/Tiksa Negeri

(Mai-Kadra) 13 Nof 2020 – Ciidanka dhexe ee Ethiopia ayaa sheegay inuu jab gaarsiiyey maliishiyaadka Tigreega ee ka dagaallamaya galbeedka gobolka Tigraay, sida uu sheegay RW Abiy Ahmed, isagoo ku eedeeyey inay sameeyeen cadaawad halis ku ah amaanka Geeska Afrika

Yeelkeede, kooxda Amnesty International ayaa sheegtay in boqollaal rayid ah oo gobolka ku sugnaa middiyo ama baangado lagu diley 9-dii Nofeembar, iyagoo soo xiganaya dad goobjoog, waloow aysan xaqiijin karin cidda ka dambeysey, balse waxay goobjooggu farta ku fiiqeen isla malliishiyaadka Tigreega, oo la sheegay inay weerar ku qaadeen dadyowga kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee halkaa jooga.

Sawirro dhanka dayax-gacmeedka lagu qaaday ayaa muujinaya dad badan oo la laayey, iyadoo ay goobjooggu xaqiijinayaan in dadkan oo ay ku eedeeyeen inay baangadeeyeen Ciidanka Gaarka ah ee Tigreega oo dagaalka lagu kululeeyey aanu maydadkooda wax xabado ihi ku oollin.

Yeelkeede, Hoggaanka Tigreega, Debretsion Gebremichael, oo Guddoomiye u ah TPLF, ayaa dafiray ku lug lahaanshaha dadka lagu laayey Mai-Kadra.

Waxaa cirka laga duqeeyey goobo ku yaalla gobolka oo la sheegay inuu hub badani u yaalley kooxda TPLF, waxaana sidoo kale dalka Suudaan u qaxay dad fara badan.

Abiy, oo ah hoggaamiyaha ugu da’da yar Afrika, ayaa billada nabadda ee Nobel Peace Prize hantay 2019-kii, ayaa sheegay in aan laga hari doonin kooxdan oo uu ku tilmaamay koox halis ku ah amaanka iyo midnimada Itoobiya.

Hadalsame Media