”Waxaan hubkan idiin siinaynaa inaad Iiraan iskaga difaacdaan!” – Imaaraadka oo lagu wado jidkii Ciraaq

0

(Washington, DC) 12 Nof 2020 – Maamulka Trump oo u muuqda mid sii dhacaya ayaa si halhaleel ah haatan Koongarayska u hor geeleyey qorshe Imaaraadka looga iibinayo hub ku kacaya $23 bilyan oo doollar, oo ay ku jiraan dayuuradaha F-35 oo la fahamsan in si gaar ah loo dhimayo tayadooda, si Israel loo ilaaliyo iyo daroonno.

Ogaysiinta heshiiskan ee Koongarayska ayaa imanaya kaddib markii ay Imaaraadku shuruud la’aan ogolaadeen inay la heshiiyaan Israel bishii Sebtembar, iyagoo 3 ku noqday laba dal oo Carbeed oo ka horreeysey.

“Tani waa aqoonsiga xiriirkeenna sii qoto dheeraanaya ee aannu la leenahay Imaaraadka oo aannu doonayno inuu yeesho awood uu iskaga waabiyo halisaha sii kordhaya sida kuwa Iiraan,” ayuu yiri Mike Pompeo WAD Maraykanka.

Hubkan ku kacaya $23.37 bilyan oo doollar ayaa iskugu jira 50 dayuuradood oo ah F-35 Lighting II, ilaa 18 xabbo oo ah daroonnada MQ-9B Unmanned Aerial Systems iyo xirmooyin kala duwan oo ah gantaalaha cir-ka-cir iyo kuwa cir-ka-dhulka ah, sida ay sheegtay WAD Maraykanku.

Guddiga Xiriirka Caalamiga ee Labada Aqal ee Senet-ka iyo Wakiillada ayaa eega heshiis kasta oo hub la iibinayo ah kahor inta aan loo codaynin marka ay soo gudbiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku, waxaana la fahamsan yahay in ay qaarkood diiddan yihiin heshiiskan oo qayb ahaan ay Israel dood ka keentay, qayb ahaanna lagu haysto dagaalka daba dheeraaday ee ay UAE halkaa ka wadaan.

Waxaa intaa dheer, in Imaaraadku u muuqdo mid ku socda jidkii Ciraaq oo sidan oo kale lagu jeediyey Iiraan kaddibna markii uu 8 sano la dagaallamayey oo ku dhaqaale beelay isagoo dhulka yaalla 2 dagaal lagu qaaday, iyadoo kii dambe lagu tuuray laguna daldaley, kaddibna Ciraaq oo mar ahayd dambiisha cuntada Carabtu ay noqotay meel ba’ iyo hoog ka jiro.

Dadka arrintan u dhuun daloola ayaa sidoo kale fahamsan in Israel ay doonayso inay awoodda Carabta u adeegsato burburinta Iiraan, oo aysan iyadu doonayn inay dagaal toos ah la gasho, waxaana xitaa jira guux ku saabsan wax lagu sheegay Arab NATO oo ka kooban talisyada Khaliijka ee ay qoysasku xukumaan iyo ciddii soo raacda.

Hadalsame Media