Turkiga oo go’aansaday inuu JAC ku dhejiyo Wasiir Dibadeedka Maraykanka oo Istanbul imanaya (Maxaa la isku maagay?)

0

(Ankara) 12 Nof 2020 – Wasiir Dibadeedka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa go’aansaday in uusan la kulmin dhiggiisa Maraykanka ee Mike Pompeo, kaasoo lagu wado inuu todobaadka soo aaddan soo booqdo magaalada Istanbul.

Madaxda Turkiga ayaa ka caraysan in ninkani diidey inuu yimaado caasimadda Turkiga ee Ankara, isagoo marar badan oo uu gobolka yimidna dhinac maray Turkiga, isagoo aad ugu meeraystay Israel, Giriigga iyo Khaliijka.

Haatan oo ay wax ka yar 3 bilood u harsan yihiin Maamulak Trump kahor inta aanu xilka qabsanin MW dooran ee Joe Biden, wuxuu Pompeo Turkiga kusoo daray booqasho berri bilaabmaysa oo soconaysa 13-23 Nofeembar taasoo uu ku imanayo Bariga dhexe, waxaana ku jira isla dalalkii uu iman jirey sida Israel, Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Yeelkeede, booqashada Pompeo ee Turkigu ma aha mid rasmi ah oo uu ku bixinayo Ankara, balse wuxuu doonayaa inuu booqdo lana kulmo wadaadka kaniisadda Orthodox Patriarch Bartholomew I ee Istanbul, si uu u xoojiyo wax lagu sheegay ”xorriyadda diinta” taasoo lafteeda loo gartay duurxul ku jeeda Turkiga oo dhowaan masjid u rogey Hagia Sophia oo asal ahaan kaniisad u ahayd isla mad’habtan asal raaca ah ee Orthodox-ka.

“Saraakiisha Turkish-ku waxay caddeeyeen inaan Cavusoglu wax kulan ah la qaadan doonin Pompeo haddii aanu Ankara ku imanin booqasho rasmi ah,” ayay ilo dowladda ku dhowi u dusiyeen MEE, iyadoo uu wefdiga Maraykanku ku qiil samaysanayo in uu jadwalku ciriiri ku yahay oo aanay isu mari karin labada magaalo, sidaa darteen Istanbul lagu qaabilo.

Pompeo oo muranka Bariga Badda Dhexe Giriigga la saftay, sidoo kalena Kurdiga taageero u muujiyey ayaa horay aan marna u imanin Turkiga, oo haatan iyaguna la ciyaaraya siyaasad la yiraahdo ”weji kaama lihi”, maadaama uu xilka ka degayo, si kastaba.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media