Shiinaha oo diyaarinaya isgaarsiinta ugu xawaaraha badan caalamka (Hir-baacyo aan caadi ahayn oo ay ku shaqayso)

0

(Beijing) 12 Nof 2020 – Shiinaha ayaa bishan oo qura ku guulaystey inuu hawada u diro 13 dayax-gacmeed, kuwaasoo uu ku jiro mid sida shabakadda 6G oo tijaabo ah, sida uu sheegay weriyaha RT uga soo warrama Beijing ee John Huddy.

Shiinaha oo haatan caalamka oo dhan ugu horreeya dhanka ganista dayax-gacmeedyada isla markaanaa ilaa sanadkan oo qura ganay 32 dayax-gacmeed kuwaasoo 40 gaari kara dhamaadka 2020 ayaa hami wayn ka leh hawada sare, sida uu sheegayo Huddy waxaa ka mid ah Tianwen-1 oo u sii socda Mars iyo Chang’e-5 oo isaga oo wada samballo uu dayaxa kasoo qaaday soo noqonaya dhamaadka bishan.

Yeelkeede, midda ugu darani waa in Shiinuhu uu haatan gacanta ku hayo diyaarinta shabakadda 6G, jeer ay dunida qaarkeed weli adeegsanayso 3G. Waxaana Shiinuhu diray 12 dayax gacmeed oo kale oo laga ganay Taiyuan Satellite Launch Center oo ku taalla Gobolka Shanxi.

Shiinaha ayaa tijaabinaya tiknolojiyadda isgaarsiinta 6G, isagoo adeegsanaya hir-baacyo aad u sarreeya oo moowjadaha terahertz ah, kuwaasoo xitaa aad uga xawaare badan kuwa 5G oo aan laftooda weli la wada isticmaalin.

Tusaale, Apple hadda unbay samaysay telefoonkeedii ugu horreeyey ee 5G ku shaqeeya, iyadoo xitaa 2024, ay 5G caalamka ka isticmaali doonaan wax aan ka badnayn 65%, balse Shiinuhu wuxuuba usii bira tumanayaa 6G, taasoo weji gabax ku noqon doonta dalal badan oo Shiinaha la xafiiltama.

Hadalsame Media