Maxaa hadda ka socda magaalada Sirte ee dalka Libya? Wararkii ugu dambeeyey

0

(Sirte) 12 Nof 2020 – Xubin ka mid ah ragga Dowladda ku metelaya Guddiga Isku Dhafka ah ee Ciidan ee 5+5 Joint Military Commission (JMC) ayaa hadda sheegay in magaalada Sirte laga wada saaray ciidankii, taasoo qayb ka ah heshiis xabbad joojin ah oo la gaarey si loo dhameeyo dagaalka ka socda dalkaasi.

Warkan oo haatan lagu baahiyey hilinka maxalliga ah ee Libya Al Ahrar, ayuu Sarreeye Guutto, Al-Fitouri Gharibel, ku xaqiijiyey: “Magaalada Sirte hadda waa laga wada saaray ciidankii, waxaana kaliya ku sugan ciidan amaanka sugaya.”

Gharibel ayaa todobaadkii hore sheegay in ciidamada si tartiib tartiib ah looga saarayo magaalooyinka Sirte iyo Jufra iyo gobolladoosa, taasoo qayb ka ah heshiiskii lagu gaarey Geneva, Switzerland 23-kii Oktoobar, kaasoo ay garwadeen ka ahayd QM.

Guddiga JMC (5+5) ayaa ka kooban Dowladda Libya ee GNA iyo malliishiyada Jeneraalla fallaagoobey ee Khalifa Haftar oo dagaalladii ugu dambeeyey looga gacan sarreeyey, balse is dabciyey markii lasoo gaarey magaalada Sirte.

QM ayaa Talaadadii ku dhawaaqday inay bilowdeen wada hadallada Guddiga JMC (5+5), oo 6 wareeg ka kooban waxaana uu Gharibel hadda sheegay in tillaabada xigtaa ay tahay in la furo jidadkii u kala xirnaa dhinacyada.

Libya oo saliidda hodan ku ah ayaa dagaal sokeeye oo dhiigle ah muquuranaysey tan iyo markii la ridey MW dalkaasi Mucamar Al Qadaafi, taasoo ahayd howl ay ka dambeeyeen ururka NATO oo aan wax qorshe ah kaddib dalkaa u keenin.

Hadalsame Media