(Hadalsame) 11 Nof 2020 – Waxaa jira madax badan oo caalami ah oo si furan ugu hambalyeeyey MW dooran ee Maraykanka ee Joe Biden balse waxaa jira dalal weli ka aamusan min Turkey, China, Russia, Mexico, North Korea ilaa Brazil.
Sabtigii ninkii ugu horreeyey ee hambalyo rasmi ah usoo dira Joe Biden iyo Kamala Harris, wuxuu ahaan RW Canada, Justin Trudeau, waxaana soo raacay Angela Merkel iyo Emmanuel Macron.
Balse qof kasta ma raacin jidkaas. MW Brazil ee Jair Bolsonaro oo saaxiib dhow la ah Trump ayaa ka mid ah dadka aamusan.
MW Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa isna ka aamusan Biden. Erdoğan wuxuu ka mid yahay dadka loo badinayo inaysan isku fiicnaan doonin Biden oo marar hore si cad u muujiyey inuusan taageere wayn u ahayn.
MW Ruushanka ee Vladimir Putin oo horay u sheegay in aanu kala jeclayn ciddii Maraykanka xukumaysa oo uu la shaqeeynayo kii ay doortaan, ayaan wax hambalyo ah weli laga haynin.
MW Mexico ee Andrés Manuel López Obrador, oo sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Biden iyo Trump, ayaa weli aamusan isagoo sheegay in uu ka hordhacaynin xukunka maxkamadda.
MW Shiinaha ee Xi Jinping oo uu xilligii ololaha doorashada uu Trump ku tilmaamay ”kaabba-kaadar” ayaan weli ka hadlin taasoo lala yaabay, iyadoo uu Afhayeenka WAD dalkaasi, Wang Wenbin uu sheegay in natiijada ay ka sugayaan ”sharciga dalkaasi.”
North Korea oo Biden ku sheegtay “eey waalan” ayaan oo ay tahay in la dilo maalinta doorashadiisa ayaan wax war kasoo saarin guushiisa.
Hadalsame Media