Armenia oo qiratay in maalmo gudeheed lagu jiiri lahaa haddii aysan heshiiska ogolaan lahayn (Dhowr dal oo ay eedeeyeen)

0

(Yerevan) 11 Nof 2020 – Dadka Armenian-ka ah ee ku dhaqan Gobolka ay xoogga ku haysteen ee Nagorno-Karabakh ayaa sheegay inay daaleen oo ay ku dhowaayeen in la dardaro markii uu dhacayey heshiiskii lagu saxiixay Ruuushka.

Yerevan ayaa Isniintii saxiixday heshiis uu ka shaqeeyey Ruushanku oo ay la galeen Baku, iyagoo ogolaaday inay ka baxaan dhul badan oo ay horay u haysteen oo ka tirsan  Nagorno-Karabakh.

Ninka ugu sarreeyey Armenian-ka gobolka, Arayik Harutyunyan, oo heshiiska gacantiisa ku saxiixay ayaa guuldarrada ka qirtay khudbad uu TV-ga ka jeediyey Talaadadii shalay.

Wuxuu sheegay in tanaasulka ay sameeyeen ay uga gol lahaayeen inaysan Azerbaijan mar qura ka wada qaadanin Nagorno-Karabakh, taasoo dhici lahayd muddo maalmo ah gudohood sida uu yiri.

Wuxuu sheegay inay daaleen oo laga itaal roonaa oo lagu kuusay dagaalkan oo soconayey muddo 40 cisho ah, sidoo kalena uu sii diley durayga dilaaga ah ee Covid-19, sida uu sharraxay Harutyunyan.

Wuxuu kaloo farta ku fiiqay inay sidoo kale dhulka dhigeen dad ka yimid Bariga Dhexe sida Lubnaan, Suuriya iwm iyo daroonnada halista ah ee uu Turkigu siiyey Ciidanka Cirka Azerbaijan, oo nuuxsi u diidey ciidankooda gurmadka ah oo ay sidii ukumo u jejebiyeen.

Hadalsame Media