”Waxaan dib u helnay dhulkeennii” – Kumannaan dad ah oo iskugu soo baxay magaalooyinka Azerbaijan + Sawirro

0

(Baku) 10 Nof 2020 – Boqollaal Azerbaijani ah ayaa iskugu soo baxay jidadka magaalooyinka dalkaasi kuwaasoo u dabaal degaya inuu 20-sanadood kaddib guul ku dhamaaday hardankii ay ugu jireen gobolka Nagorno-Karabakh, kaddib markii ay Armenia ogolaatay inay gobolkaa ka wada baxdo, haddii aysan ka bixin heshiiska.

Dadka ayaa isu soo baxay kaddib markii uu MW Ilham Aliyev uu dadka warbaahinta kala hadlay isagoo dadwaynaha u sheegay in heshiiskani yahay guul isla markaana ay ka ”adkaadeen” Armenia.

Aliyev ayaa sheegay in Degmada Kalbajar lasoo wareejin doono 15-ka Nof., halka Degmada Agdan ay gacanta Baku soo geleeyso isla 20-ka bishan Nof., waxaa dheer in Lachin lasoo wareejinayo 1-da Diseembar, sida uu khudbadda ku sheegay.

Dadka ayaa deeto isla xilli dambe oo habeen ahna iskugu soo baxay caasimadda Baku iyo Ganja oo ah tan 2-aad ee dalkaa ugu ballaaran, iyagoo lulaya calamada dalka Azerbaijan iyo midka Turkiga.

Elnur Habiboğlu, oo ka mid ahaa dadkii isu soo baxay ayaa Anadolu ku yiri: “Waxaan dhulkeenni dib ugu noqonaynaa kaddib 28-sanadood.”

Labada dal ee Soofiyeetka wada ahaan jirey ayaa tan iyo 1991-kii isku hayey Nagorno-Karabakh oo 20% ka ah dhulka Azeri-ga, waxaana Armenia lagu kuusay dagaal bilowday 27-kii bishii hore oo ay u babac dhigi waayeen daafadda xooggan ee Ciidanka Azerbaijan, iyadoo dorraad laga qabsaday magaalada 2-aad ee ugu wayn gobolkaas ee Shusha.

Hadalsame Media