NGO caalami ah oo Somalia ka baxaya kaddib wax uu ku sheegay ”musuq la xallin waayey”

0

(Muqdisho) 10 Nof 2020 – INTERSOS, oo ah NGO mashaariic badan siinayey kumannaan qofood oo Soomaali ah isla markaana ay QM maalgeliso, ayaa ka baxaya Somalia, kaddib markii ay hay’addan Talyaaniga ihi ay ogaatey inuu jiro “musuq xad ka bax ah” oo ay xitaa adag tahay in la xalliyo.

Maareeyaha Guud ee INTERSOS, Kostas Moschochoritis, ayaa sheegay inay ”go’aankan adag” qaateen kaddib markii ay muddo ka doodayeen oo ay garowsadeen ”inaysan xallin karin dhibka jira”, isagoo tilmaamay inuu ka ”murugoonayo waxa dhacay.”

Waxaa sidaa ku shaqo beelaya 200 oo la howlgaleysey INTERSOS oo inta badani Somalia joogaan, halka uu xafiis shaqo ku yaalley Kenya, waxaana waxyaabaha la musuqay ka mid ah howlaha la qabanayo iyo sidoo kale nooca loo raacayo qandaraas bixinta oo nin tooxsi miiran ahaa, waxaa sidoo kale la jimeeyey xisaabaad been ah.

staff may be laid off – mostly in Somalia, but also some in a support office in neighbouring Kenya. No disciplinary action had been taken against staff, Moschochoritis said, adding that redundancies would be compliant with local guidelines.

INTERSOS ayaa ilaa 20 mashruuc oo muhim ah ka waddey dalka, waxaana ka mid ah mashruuca isbitaalka Jowhar iyo kuwo kale sida biyaha, waxbarashada iyo carrruurta iyagoo caawinayey 320,000 oo Somalia ku nool ilaa 2018.

Tan ugu darani waa isbitaalka Jowhar haddii aan bedel loo helin sida uu sheegay isla Moschochoritis, isagoo maalintii daweeya 200 oo Soomaali ah.

Hadalsame Media