Imaaraadka oo F-35 ha joogtee xitaa loo diiddan yahay daroonnada Maraykanka (Arrin lagu haysto)

0

(New York) 10 Nof 2020 – Hay’adda Amnesty International ayaa Maraykanka ka codsatay inay joojiyaan 18 daroon oo casri ah oo ah nooca MQ-9B oo laga iibinayo Imaaraadka (UAE), kaddib markii ay soo gudbisey caddayn ku saabsan in Imaaraadku rayid ku laayey Yaman iyo Libya.

Philippe Nassif, oo ah Agaasimaha qaybta Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika ee Amnesty, ayaa shlay sheegay in Maraykanku uu daawanayo “dembiyo dagaal oo ka dhacaya Yaman”.

“Maraykanku waa iuu faraha ka qaadaa inuu hub siiyo Imaaraadka oo u adeegsanaya dad rayid ah.” ayuu yiri Nassif.

Waaxda Arri. Dibedda Maraykanka ayaa Koongarayska ogaysiisey todobaadkii tegey inay qorshaynayso in hubkan oo ku kacaya $2.9bilyan laga iibinayo Imaaraadka oo horay u doonayey dayuuradaha F-35 oo ay lafteeda diiddan tahay Israel oo dhinac uga qoslaysa dhinacna hor taagan in hubkaa la siiyo.

Hubkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey tan iyo markii uu Maamulka Trump dib u fasiray heshiisyo la saxiixay xilligii Dagaalkii Qaboobaa, si dalal gaaraya 34 dal oo olog la ah Maraykanka looga iibiyo daroonno kala duwan.

Hadalsame Media