”Waxaa dagaalka uga dhintay 5 wiil oo ay dhashay balse way ku faraxsanahayd” – Maxay tahay sababtu?

0

(Hadalsame) 09 Nof 2020 – JEAN-JACQUES ROUSSEAU waxa uu yidhi: Sideedaba dawladnimadu waa heshiis bulsheed oo ku dhisan doonista guud ee dadka (General Will).

Dadku iyaga oo aan cidina jujuubayn ama aanay khasbayn ayaa ay madaxbannaanidooda ku wareejiyaan dowladda oo ah haayad siyaasadeed, si dowladdu ay dadka sharciga ugu dhaqdo, noloshoodana ugu horseeddo mid ka tayo fiican tii ay ku noolaayeen markii ay ku jireen xaaladda dabiiciga ah (The state of nature), ee aanay dawlad iyo xeer toona aqoon.

Madaxda dowladduna waa inay u adeegaan bulshada oo ay danta guud ee dadka ka shaqeeyaan. Xeerarka dowladdu soo saartaana noqdaan kuwo u adeegaya xorriyadda iyo sinnaanta bulshada.

Rousseau buugiisa Heshiiska Bulshada (The Social Contract) dhawr tusaale ayuu ka bixinayaa nooca dooonista dadweynaha ee la rabo in dawladdu ay ka shaqayso (The General Will), waxaana ka mid ah tusaalayaashaas:

Hooyo muwaadinad ah oo shantii wiil ee ay dhashay u diraysa jiidda hore ee dagaal ka dhexeeya dalkeeda iyo wadan kale oo ay jaar yihiin. Xoogaa ka dib ayaa waxa ka soo laabanaaya dagaalka wiil ay inamadeeda mid ka mid ah saaxiib ahaayeen. Hooyadu judhii ay aragtayba waxay ku odhanaysaa, maxaa ka soo cusboonaaday dagaalkii? Dabadeedna wiilki wuxu ugu warcelinayaa isaga oo qiiraysan: Waan ka xumahay hooyo, shantaadii wiilba dagaalkii ayaa lagu dillay. Gabadhina ama hooyadina waxa ay ugu jawaabaysaa: Annigu taas kuma su’aalin, ee dagaalka ma ku guulaysannay mise waa laynaga adkaaday?

Ninkii oo yaabban ayaa odhanaaya: Haa hooyo, waynu ku adkaannay. Dabadeedna marka ay intaas maqasho, oo farxadi wejigeeda buuxiso ayaa ay si degdeg ah u tegaysaa xarunta cibaadada, ilaahayna waxay uga mahadnaqaysaa libinta uu dalkeeda siiyey, waxaanay ku celcelinausaa Wiilashaydii waa dhinteen, laakiin waanu guullaysanay.

Hooyadaas shanteedii wiil weyday danteeda gaarka ah may eegayn, oo waxa kala weynayd danta guud ee bulshadeeda. Madaxda dawladdan waxaa ku waajib ah in ay u dhaqmaan sida hooyadaas, oo ay danta guud ka horraysiiyaan tooda gaarka ah.

Rousseau-na qofka dantiisa gaarka ah uun eegta wuxuu ku magac-dhabay inu yahay Burjuwaasi. Burjuwaasiguna qof ma aha, muwaaddinna ma aha ee waa naftiisa jecel aan waxba ahayn (amour de soi or self-love).

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media