Trump oo dadka u dhow laga la’yahay qof u sheegi kara in laga adkaaday & arrin ugub ah oo uu samayn karo (Warbixin)

0

(Washington, DC) 09 Nof 2020 – Qarreenkii hore ee MW Donald Trump ee Michael Cohen ayaa saadaaliyey in ay u badan tahay inuu ka cararo Aqalka Cad oo uu fasaxa Christmas-ka ku qaato beertiisa raaxada ee Mar-a-Lago si uu uga dhuunto munaasabadda caleemo saarka Joe Biden ee bisha Jannaayo, taasoo ah ficil ugub ah.

Mar uu la hadlayey MSNBC, Michael Cohen ayaa sheegay in Trump uu sidoo kale natiijada doorashada la hardami doono tan iyo Jannaayo ama xitaa kaddib isagoo ku sugan jardiinadiisa oo ku taalla Gobolka Florida.

“La yaabi maayo haddii uusan marna jeedinin khudbo uu ku qiranayo in laga badiyey. Waxaan qabaa inuu joogi doono Mar-a-Lago. Lamana yaabayo haddii uu qaadaco munaasabadda dhaarinta MW cusub,” ayuu yiri Md Cohen oo si wanaagsan u yaqaan Trump.

Dhanka kale, Emily Murphy oo Maamulka MW Trump ugu qaybsan hay’adda General Services Administration (GSA), oo ah hay’adda gacanta ku haysa dhismayaasha DF Maraykanka, ayaa diiddey inay saxiixdo warqado loo baahan yahay si lacag malaayiin ah loo siiyo Madaxwaynaha cusub, taasoo lagu maaraynayo arrimaha kala guurka, waxaanay ka dhigan tahay inaysan sahlanaan doonin in xilka si nabdoon loogala wareego Mr Trump.

Warar intaa dheer ayaa sheegaya in dadka ku dhowr Trump laga la’yahay qof u sheega in laga badiyey waloow ay sidaa aaminsan yihiin qaar badan oo ka tirsan kuwa ku hareereeysan. “Dagaal ayuu ku jiraa,” ayuu yiri qof ku dhow Trump. “Wuxuu qabaa in dagaalka ay dani ugu jirto.” ayuu raaciyey, isagoo dagaalka ula jeeda mid dhanka sharciga ah, waloow uu kicinayo dad badan oo wax ma garato ah.

Xogaha ku dhow Trump ayaa sheegaya in rag yar oo uu ugu horreeyo qarreenka Rudy Guiliani ay ku qalqaalinayaan inuu maxkamadda tiigsado oo aanu si fudud isku dhiibin, halka ay rag badan oo madaxdii hore ka tirsan isla Jamhuuriga sida George W Bush iyo walaalkii Jeb Bush ay qaab dhega hadal ah ugu hambalyeeyeen Joe Biden oo ay ku tilmaameen ”nin wanaagsan.”

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media