Maxaa ka qabsaday markii uu MW Muuse Biixi isku dayey inuu u hambalyeeyo MW dooran ee Maraykanka?!!

0

(Hargaysa) 09 Nof 2020 – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Hambalyo ah hawada u mariyey Madaxweynaha dooran ee Dalka Maraykanka Joe Biden iyo ku-xigeenkiisa Karmala Harris.

Madaxweynaha ayaa Twitter-ka soo dhigay qoraal u dhignaa: “Anigoo ku hadlaya Magaca Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxaan Hambalyaynayaa Madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Karmala Harris.”

“Somaliland, iyada oo ah saaxiib la isku halleyn karo iyo olog, waxay diyaar u tahay inay kaala shaqeyso dhanka xoojinta dimuqraadiyadda iyo amniga Adduunka” ayuu raaciyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

Yeelkeede, shacabkii ka fal-celinayey warkan ayaa weerar ku qaaday MW Somaliland iyagoo soo qaadanaya sawir shalay oo dhan wareegayey baraha bulshada oo muujinaya ciyaaraha Gobollada Somaliland oo matarmakis lagu ifinayo.

Dadka ayaa tirinayey eedo badan oo iskugu jira in nabad uun lagu mashquuliyo balse aan waxba la qabanin, iyagoo sidoo kale ay qaarkood soo qaadanayeen garoomo ku yaalla magaalada Muqdisho oo ah magaalo weli aan haysanin amaan buuxa.

”Kuwaasi inaad jirtaba kuma yaqaanaane, bal adigu sida ay dalkooda u dhisteen kaaga u dhiso.” ayuu soo qoray mid ka mid ah dadwaynuhu.

Hadalsame Media