”Somalia waa loo kala ordayaa” – Kenya oo qirtay in ay Somalia ku qabaan fursado badan & fiisaha oo ay fududaynayso

0

(Muqdisho) 09 Nof 2020 – Xoghayaha Joogtada ah ee Arimaha Dibadda Kenya, Macharia Kamau, oo haatan isaga iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayaa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu gacan ka gaysan doono inay dowladdiisu fududayso sidii fiisaha loogu sahli lahaa Soomaalida doonaysa inay Kenya tagto.

Wuxuu sheegay in Somalia ay leedahay wax soo saar aan la sheegin oo ah inay hadda sanad kasta ka yimaadaan 32,268 oo qof oo dalxiis ah oo Kenya booqda, kuwaasoo lacag adag dal soo geliya, wuxuuna sheegay in tiradaasi 3 laabmayso haddii fiisaha imaansho lagu siiyo.

Macharia oo la kulmay madax ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Somalia iyo tan Ganacsiga DF Somalia, ayaa sheegay in Somalia uu ka socdo isbedel keenaya inay noqoto dal ay muhim tahay in wax lala qabsado gaar ahaan dhanka ganacsiga, iyadoo sidoo kale hoteellada iyo dalxiiska Kenya dakhli ka badan soo gelinaysa.

Wuxuu sheegay in dalal ay ka mid yihiin Uganda, Jabuuti, Ethiopia iyo Turkey ay arkeen fursadda Somalia kaddibna ay duullimaadyo toos ah ku xirteen Muqdisho, taasoo ah arrin ay tahay in ay ka fikirto Kenya Airways.

Mcahraia oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ay haatan 35,000 oo Kenyan ihi ay haatan Somalia ka shaqeeystaan, halka nus milyan qaxooti Soomaaliyeed ihi ay Kenya ku nool yihiin, kuwaasoo uu sheegay in la dhex gelinayo dadka Kenyan-ka ah.

Wuxuu sheegay in Kenya ay Somalia ugu yaboohday deeq waxbarasho oo ka badan 500 oo la barayo xirfado kala geddisan oo dhanka horumarinta iyo dal dhisidda.

Somalia ayaa iyaduna waxay Kenyan badan siinaysaa fursad ay uga shaqaytsaan Muqdisho iyo gobollada dalka gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, hoteellada iyo dhismaha.

Hadalsame Media