Xisbiga Dimoqraadiga oo qarnigan weli curdanka ah ka sameeyey 3 taariikhood

0

(Hadalsame) 08 Nof 2020 – Xisbiga Dimoqraadigu intii qarnigan aan weli rubuca gaadhin lagu jiray, wuxu ku xardhay taariikhda siyaasadda Maraykanka saddex arrimood.

Waxa ka soo baxay madaxweynihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda dadka madow. Wuxu u sharraxay haweenay madaxweynenimada dalka Maraykan. Waxa maantana ka soo baxday haweenaydii ugu horraysay taariikhda maraykanka ee noqota madaxweyne ku xigeen.

Waxa laga yaabaa In Kamala Harris noqon doonto gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne ka noqota Maraykanka, sababta oo ah Joe Baiden—madaxweynaha la doortay, wuxu sheegay inu kalkan (term) oo qudha u tartami doono madaxweynenimada dalka, sidaa awgeed haddii Biden iyo Kamala afarta sanadood ee soo socda wax weyn ka qabtaan midnimada dalka, iyo wax kasta oo uu qarribay ganacsadihii loo ilduufay talada Guriga Cad, waxa hubaal ah in Dimoqraadigu inantan madaxweynenimo u sharrixi doono.

Waxa kale oo xusid mudan, in inanta lagu magacaabo Jennifer Brigid O’Malley Dillon u ahayd Biden madaxa ololaha (Campaign Manager), guushiisana laf-dhabar u ahayd, khudbadihiisa qori jirtay, istaraatajiyadaha ololaha kontonka gobolna dhigtay.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media