Wershad caanood oo albaabada loo laabay kaddib markii la arkay shaqaale caanihii ku ”qubaysanaya” + Sawirro & muuqaal

0

(Konya) 08 Nof 2020 – Kaddib markii uu nin TikTok isticmaala oo ku socda magaca Uğur Turgut, uu sidii biyo u muquuray haan ay caano ka buuxaan, ma filaynin inuu yaqyaqsi ku dili doono dadka daawanaya oo aan maad u arkaynin falka liita ee uu sameeyey.

Dadka ayaa muuqaalkii sii faafiyey waxaana kaddib la raadiyey meesha ay arrintani ka dhacday, waxaana lasoo helay inay tahay wershad caanood oo ku taalla gobolka dhexe ee Konya.

Waxaa markiiba dacwo ashtako ah la gaarsiiyey maamulka, iyadoo la is waydiinayo in caanaha uu ninkani ku dabaashay ay iib ahaayeen iyo in falkani horay u dhici jirey iyo in kale.

Deeto maamulka maxalliga ah ee Konya ayaa ku dhawaaqay inay wershadda xireen isla markaana lacag ganaax ah la dul dhigay maadaama ay halis gelisey caafimaadka dadwaynaha.

Maamulka wershadda oo ay dadku ku maadsadeen in lagu magacaabo “Benefit,” ama faa’iido ayaa ku doodaya in ay baabi’iyeen qandaraaska Turgut oo ay sheegeen in aanu caano ku qubaysan balse ay ahaayeen biyo iyo walxaha wax lagu nadiifiyo, taasoo ah dood aan micne badan samaynayn, iyagoo sheegay in muuqaalka loo sameeyey si loo ”sumcad dilo” wershadda.

Ali Ergin, madaxda Beeraha iyo Dhiraynta Konya, ayaa sheegay inay baaris ku bilaabeen, iyadoo amarka wershadda lagu xirey ay kasoo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Kaymaha Turkiga, Bekir Pakdemirli, sida lagu qoray wakaaladda Anadolu Agency (AA), iyagoo sidoo kale wershadda ku amray inay burburiyaan wax kasta oo caanahaas laga sameeyey caanaha caadiga ahna la qubo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media