Kenya oo dabac ka muujisay is mari waaga Somalia & wefdi ay u dirtay Muqdisho (Arrin warkooda laga dhadhansan karo)

0

(Muqdisho) 11 Nof 2020 – Waxaa Muqdisho gaarey wefdi Kenyan ah oo halkaa u tegey inay DF Somalia la yeeshaan kulamo ay ku doonayaan in lagu caadiyeeyo xiriirka labada dal isla markaana lagu raadiyo fursado ganacsi iyo maalgashi ah oo dhex mara labada dal.

Wefdigan oo uu hoggaaminayo Xogyaha Joogtada ah ee Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, Danjire Macharia Kamau oo qiray in Somalia ay haatan soo jiidanayso maalgelin caalami ah.

“Waxaa jira fursado waawayn iyo iskaashi goboleed dhex mari kara Kenya iyo Somalia. Maadaama ay Somalia samaynayso horumar dhanka ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ah, waa inaysan caqabad nagu noqon arrimo taariikheed” ayuu yiri Amb Kamau.

Kenya ayaa tillaabadan qaadday kaddib markii ay cadaadis kala kulantay ganacsatadeeda Qaadka, iyadoo uu MW Uhuru Kenyatta uu go’aansaday inuu halkaa u diro wefdigan, si loo ilaaliyo danta dadkiisa, balse ma cadda inay Kenya aqbali doonto shuruudaha Somalia.

Wefdiga Kenya ayaa marka Jaadka laga yimaado sidoo kale doonaya in laga iibsado waxyaabo ay ka mid yihiin Bariis, digirta iyo qalabka dhismaha sida Shamiitada, balse ma sheegin waxa ay iyagu iibsan doonaan.

Kenya oo ah dalka isagu bilaabay mugdiga ku jira xiriirka labada dal kaddib markii ay sheegatay dhul-badeedka Somalia, ayaa sidoo kale faragelin joogto ah ku haysa siyaasadda gudaha Somalia, gaar ahaan Jubbada Hoose iyo Gedo.

Hadalsame Media