YAAB: “Waxaan debcinaynaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka!!” – Imaaraadka oo sheegay inay fasaxayaan khamriga & isla noolaanshaha dadka aan is qabin

0

(Dubai) 07 Nof 2020 – Imaaraadka (UAE) ayaa haatan ku dhawaaqay inay “isbeddel wayn” ku samaynayaan Shareecada Islaamka, si loo fasoxo waxyaabo ay ka mid yihiin inay wada degi karaan lamaane aan is qabin, in la sahlo cabista khamriga iyo in lala dagaallamo “dilka sharafta”.

Imaaraadka ayaa sheegay in ay sidan u yeelayaan si ay u meeleeyaan dalxiisayaasha reer Galbeedka isla markaana u socodsiiyaan xornimada ay u baahan yihiin dadka maxalliga ihi, sida ay yiraahdeen.

Tillaabadan ayaa sidoo kale imanaysa kaddib heshiiska ay la galeen Israel ee uu Maraykanku riixayey, taasoo ay ka dhalanayso inay Yuhuud badani dalkaa ku qulqusho.

Waxaa waxyaabaha la xoorayo ka mid ah in la ciqaabo qofkii khamri caba, gada ama haysta haddii uu ka wayn yahay 21 sano, sida ay wakaaladda ay Dowladdu maamusho ee WAM.

Waxaa kale oo la fasaxayaa inay “wada noolaadaan lamaanaha aan is qabin” taasoo dembi ku ah diinta Islaamka, waloow ay weli dhici karto in la ciqaabo dadka maxalkiga ah, balse ma cadda, balse waxaa la eegi doonaa dalka qofka ee diinta lama eegi doono iyadoo lasoo dhoweeynayo ajnabiga 90% ka ah dadka ku nool dalkaasi oo ay sanadkii u dalxiisaan in ka badan 25m oo qofi.

Dad arrintan ka fikir dhiibtey ayaa Imaaraadku ku eedeeyey inay aad iskugu deyayaan inay raalli geliyaan reer Galbeedka iyo sidii ay kursiga ku haysan lahaayeen madaxdu, balse ay kaliya dhaqankooda tuurayaane aysan qiimayn aysan hadda haysan heli doonin.

Hadalsame Media