Xiddig caalami ah oo Barcelona & Arsenal u safan jirey oo ku biiray koox ka dhisan Jabuuti

0

(Jabuuti) 07 Nof 2020 – Laacibkii hore ee khadka dhexe ee FC Barcelona iyo xulka Cameroon, Alex Song, ayaa ku biiray kooxda reer Jabuuti ee AS Arta Solar7 wax loo arkay heshiis dad badan ka yaabiyey oo rigli ah.

Laacibkan oo garoomada rasmiga ah soo galay 2004 isagoo u safnaa Bastia oo ka tirsanayd Ligue 1, wuxuu Song u muuqdey xiddig guuleed isagoo 17-jir uun ugu wareegey kooxda Premier League ee Arsenal.

7 sanadood kaddib wuxuu u wareegey camaaliqada FC Barcelona oo adeeggiisa £15 milyan oo gini ku gadatay kaddib markii uu 215 gashnaa funaanadda Gunners.

Yeelkeede, Song ayaa dhibaato ka mutay inuu safka 1-aad kusoo boxo isagoo uu booska ka haystey Sergio Busquets, waxaana dib loo amaahiyey kooxda Premier League ee West Ham fasalkii 2014/15.

Song ayaa dhaqse u saldhigtay kooxda Dubbayaasha, balse 2016-kii wuxuu ku biiray Ruushka ah ee Rubin Kazan oo u saftay 23 kulan kahor intaanu u wareegin kooxda Swiss-ka ah ee Sion.

Alex Song ayaa haatan ugu dambayn qandaraas 2 sanadood ah la galay kooxda reer Jabuuti ee AS Arta Solar7 oo 4-aad uga jirta Horyaalka Djibouti Premier League iyadoo leh 24 dhibcood, waxaana ka horreeya horyaallada Total FC oo sibiq uga hartay koobabka Afrika.

 

Hadalsame Media