”Waxaan duqaymaha ku burburiney hub culus mana joojinayno ilaa lasoo qabto baandadan halista ah!” – RW Abiy Ahmed oo sheegay hub gaar ah oo ay ”burburiyeen”

0

(Addis Ababa) 07 Nof 2020 – Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa cirka ka duqeeyey bartilmaameedyo ku yaalla gobolka woqooyi ee Tigraay shalay Jimcihii, waxaana arrintaa ka hadlay RW Abiy Ahmed.

Wuxuu sheegay inay garaaceen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha iyo agagaarka caasimad-goboleedka Mekelle halkaasoo uu sheegay inay ku burburiyeen hub culus sida madaafiicda goobta iyo gantaal ridayaal waawayn, sida uu Ahmed u sheegay wakaalad wareedka Fana.

Abiy, oo sanadkii tegey hantay billada nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa weerarkan ku amray ciidanka dalkaasi Arbacadii si ay meesha uga saaraan malliishiyaad u dagaallamaya TPLF, oo dalka gacan bir ah ku haysey tan iyo markii uu xilka la wareegey 2018-kii.

“Duqaymahan laguma beegsan dad rayid ah balse waxaa lagu burburiyey meelo uu hub u yaalley kooxdan halista ah” ayuu yiri Abiy, oo sheegay inay burburiyeen hub culus oo ay TPLF halkaa ku urursatay si ay ugu adeegsato DF Itoobiya.

Wuxuu sheegay in uu dagaalku soconayo “ilaa baandadan sharciga la horkeenayo”, sida uu u yiri.

Maamulka Tigraay ayaa isagu sheegtay in la duqeeyey goobo rayidku ku badan yahay, halka Taliye Xigeenka Ciidanka Lugta Itoobiya, Birhanu Jula, uu sheegay in maamulkaasi uu geliyey dagaal ”ceeb ah oo aysan filayn.”

Khubarada ayaa sheegay inay dhici karto in DF ay arrintan soo af jarto, halka ay qaar kale qabaan inay tahay bilowda dagaal sokeeye oo daba dheeraan kara ama xitaa burburka Itoobiya oo noqota sida Yoguslavia.

Hadalsame Media