Wax kasta oo aad uga baahan tahay sida uu u shaqeeyo nidaamka Electoral College-ku (Qoditaan qoto dheer)

0

(Hadalsame) 07 Nof 2020 – Habka doorashada Maraykanku fawdu ma aha ee waa taariikh.

Dunida dimuqraaddiga ah waxaa la yaqaan in ciddii doorashada codka dadweynaha badsataa guulaysato, laakiin habka Maraykanka waa la gu wareeray waayo mid la mid ahi dunida ka ma jiro. Dadka Maraykanka qudhooda ayaa ku wareersan.

Murashax helay inta badan codka dadweynaha ayaa la odhanayaa waa la gaa badiyay ee iska tag, sidii ku dhacday Hillery Clinton 2016 iyada oo haysata 3 milyan oo cod oo dheeri ah. Marar badan oo hore ayay taariikhda Maraykanka sidaas oo kale dhacday. Dabadeed mar wal oo Maraykanka doorasho ka socoto waxaa dib loo xusuustaa taariikhda dimuqraadiyadda dalkaas iyo sidii hannaankan yaabka lihi ku yimid.

Aynnu ka soo bilownee, Maraykanku ma aha qaran qoomiyadeed oo leh taariikh iyo dad wax mideeyaa jiraan. Waa dad aan waxba isu ahayn oo cidhifyada dunida ka soo ka la jeeda, oo siyaalo iyo duruufo ka la duwan waayuhu meesha isu gu geeyay, dabadeed ku qasbanaaday in ay hindisaan hab ay u wada noolaadaan.

Ka la duwanaanta isir, midab, dhaqan, diineed iyo daneed ka sokow, wax ay ahaayeen gobollo ka la madaxbannaan oo is wada muquuniya. Sannadkii 1787 ayay tiirka u dhidbeen habkan ay imika wax ku doortaan. Guddi dastuur baa loo saaray in ay keenaan sida u gu habboon ee la gu heli karo caddaalad, sinnaan iyo xorriyad ay dawlad goboleedyadu ku midoobaan ku ka la madax bannaanaadaan, isla markaa ku ka la badbaadaan iyaga oo federaal wadaag ah.

Guddidu wax ay ku shirtay magaalada Philadelphia. Kulankaa waxii diiradda la saaray ma ahayn oo keliya qofka muwaaddinka ah xaqa codkiisa, waxaa se ka muhiimsanayd caddaaladda iyo isu dheelli tirka xuquuqda dawlad goboleedyada 50 ah ee midoobay. Halkan waxaa la doonayay in la helo dad caqli leh oo madaxweynaha guud ee federaalka soo doorta, isla markaa ilaalin kara maslaxadda gaarka ah ee dawlad goboleedda, kuwaas oo dhab u matala dhulkooda.

Sida halkaa ka muuqata la isku ma hallayn karayn codka dadweynaha oo keliya laba sababoodba. Waa mar ee, dawlad goboleedyadu aad bay u ka la dad badan yihiin oo haddii la isku sii dhex daayo waa ay is liqayaan.

Waa jeerka labaad ee, dadweynaha ciddii doontaaba wax ay u duufsan kartaa dhanka ay doonto oo aan danta gobolkoodu ku jirin. Waxaa meesha ku jirtay ilaalinta madaxbannaanida iyo isu dheelli tirnaanta awoodda dawlad goboleedyada si aan qolona qolo u ga sedbursan u guna xadgudbin. Halkaa waxaa la ga soo saaray guddi doorasho oo ka kooban 538 xubnood oo ka ka la socda 50 dawlad goboleed, waxaana loo bixiyay Electoral College.

Waa tiro la gu saleeyay tirada dadka dawlad goboleed walba ku nool iyo sida ay u ka la badan tahay taas oo u dhexaysa 3 cod gobollada u gu yaryar sida Montana iyo kuwa u gu badan sida California oo leh 55 cod. Codadka dawlad goboleedyada ee 538 ah qofka madaxweyne noqonayaa waa in uu ka soo helaa u gu yaraan 270 cod.

Habkan ah in aan la eegin uun tirada dadweynaha kuu codaysay ee ay qasab tahay in aad ku guulaysato aqlabiyadda codadka guddida dawlad goboleedyada Maraykanku wax ay ka ga badbaadayeen in murashaxa madaxweynuhu dhawrka gobol ee dadku ku badan yahay uun awoodda saaro dalka intiisa kalena illaawo.

Tusaale ahaan haddii codka dadweynaha oo keliya la gu soo baxayo waxaa ku gu filan lixda dawlad goboleed ee u gu dad badan, taasina waa 44 dawlad goboleed ee kale dadka ku dhaqan waraabe ha cuno. Taas baa qasbaysa murashaxu in uu gobollo badan aqlabiyadda codka dadweynaha ka soo helo si uu codka guddigoodana u helo, taas oo ku kellifaysa in uu dalka oo dhan u shaqeeyo oo kasbado.

Si kale oo hannaankani Maraykanka u gu wanaagsan yahay waa isaga oo xal u noqda haddii murashax madaxbannaan oo aan labada xisbi midna ahayni doorashada soo galo, markaas oo aan labada xisbi midkoodna heli karin aqlabiyadda codka dadweynaha, dabadeed loo irkanayo codka guddiga dawlad goboleedyada. Dhanka kale asalkaba Maraykanku ma sheegto dal dimuqraaddi ah (a democratic country), waa se jamhuuriyad dastuuri ah (a constitutional republic).

Ka la duwanaanta yar ee meesha ku jirtaa waa marka dambe oo in kasta oo masuuliyiinta dadku soo doorto haddana aanay madaxbannaanayn ee hay’ado dastuuri ahi dusha ka sii xukumaan.

Gunaanad ahaan dimuqraadiyadda Maraykanka codka dadweynaha waxaa ka sii muhiimsan codka guddida dawlad goboleedyada. Codka guddiduna caadi ahaan ka ma baxo doonista codka dadweynaha dawlad goboleedda ay matalayaan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media

Facebook Comments