”Waa Guddiga Ololaha MW Farmaajo!” – Daahir Geelle oo sheegay inaan la ”aqbali karin” Guddiga Doorashada DF Somalia

0

(Muqdisho) 07 Nof 2020 – Musharraxa Madaxwayne, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa noqday kii 2-aad ee si cad uga soo hor jeesta Guddiga Doorashooyinka ee ay magacowday DF Somalia oo uu horay u dhaliilay siyaasiga CC Warsame.

Guddigan ayaa lagu eedeeyey inay yihiin rag ay si gaar ah usoo xusheen Madaxtooyada iyo Agaasimaha Nabad Sugidda Qaranka, kuwaasoo ka kooban dhallinyaro taageersan Madaxwaynaha, kuwaasoo uu Warsame ku eedeeyey inaysan lahayn ama yeelan karin dhexdhexaadnimo, sida uu yiri.

Daahir Geelle ayaa isaguna haatan boggiisa kusoo qoray sidatan: ”Markaan arkay magacyada guddiga doorashada qaranka ee ay dhowaan dawladdu magacowday, dibna u milicsaday hawlihii ay qaban jireen iyo kuwa ay hadda hayaan,” ayuu yiri.

”Waxaan u arkaa inay yihiin guddiga ololaha Madaxweyne Farmaajo, ee aysan ahayn, noqonna karina guddi doorasho oo heer qaran ah, arrintaasina wax la aqbali karo ma ahan.” ayuu daba dhigay.

Wax tafaasiil ah ma uusan raacinin, sida waxa uu ka yeelayo inay guddigani sii shaqayn karaan iyo inuu doonayo in gebi ahaanba la bedelo.

Hadalsame Media