Maxaa la samaynayaa haddii Trump laga guulaysto ee uu ka bixi waayo Aqalka Cad (Ka bogo tillaabooyinka la qaadi karo)

0

(Washington, DC) 07 Nof 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa dhowr mar sheegtay inuu doorashada ku guulaystey, isagoo ku gooddiyey inuu u dacwoon doono Maxkamadda Sare si uu meesha uga saaro wax uu ku sheegay ”musuq dhanka codaynta ah”, taasoo durba kicisay dood ah in aanu xilka si caadi ah u wareejin doonin.

Caadiyan musharraxa madaxwaynuhu wuxuu leeyahay xuquuq dastuuri ah inuu 3 mid yeelo; inuu aqbalo natiijada, inuu codsado in dib loo tiriyo codadka iyo inuu dood ka keeno gebi ahaanba natiijada, sida uu qabo Prof. Edward Foley oo ah xeel dheere arrimaha doorashooyinka ah kana tirsan Ohio State University.

Haddaba, maxaa dhacaya haddii uu madaxwayne guuldarraysto balse diido inuu ka tago  Aqalka Cad?

Marka la eego taariikhda Maraykanka mar ayay dhacday inuu Madaxwayne saluugo qaabka loo codeeyey, wuxuuna ahaa Richard Nixon oo markii dambe ogolaaday inuu ka guulaystey John F Kennedy 1960-kii, waloow uu tirsanayey eed ah in codadka lagu shubtay.

MW Xigeenkii Clinton ee Al Gore ayaa isna aqbalay xukunkii Maxkamadda Sare ee ahaa in uu guulaystey George Bush doorashadii 2000 waloow aad mugdi ugu jirey natiijada codadkii Gobolka Florida oo uu markaa xukumayey walaalkii Jep Bush.

Paul Quirk, oo Cilmiga Siyaasadda ka dhiga University of British Columbia, ayaa The Independent u sheegay in ay arrintani boos yaab leh taagayso hay’adaha sharci fulinta sida booliiska dhexe ee FBI, oo is waydiinaya cidda ay ka amar qaadanayaan haddii loo baahdo in xoog la adeegsado.

Dhismaha Koongarayska ee Capitol Hill

Kaaga darane, Dastuurka Maraykanku meelna kuma sheegayo sida madaxwayne looga soo saarayo Aqalka Cad haddii laga guulaysto oo uu diido inuu xilka wareejiyo, sidaa darteed, ma sahlana in loo diro Ciidanka FBI ama kuwa Navy Seals, dhanka daanta West Wing si loosoo xiro Donald Trump, haddii laga guulaysto.

Joshua Sandman, oo isna ah bare sare oo culuunta siyaasadda ka dhiga University of New Haven, ayaa isagu qaba ra’yi ah in Trump aanu diidi doonin inuu xilka si nabdoon u wareejiyo, taasoo ah arrin ugub ah oo aan horay abid u dhicin, maadaama ay dilayso dhaxalkiisa siyaasadeed.

Sandman wuxuu qabaa in cidda 1-aad ee arrinta soo faragelin doontaa ay noqonayso Labada Aqal ee Koongaraysa oo faru doona “inuu ka boxo Aqalka Cad”, waloow uu sheegay in Aqalka Cadi uu kaliya miisaal uun yahay ee aanu ahayn fadhi awoodeed (seat of power), sidaa darteed, meelo kale lagu sii shaqayn karo inta isaga laga saarayo.

HADABA MAXAA DHICI KARA HADDII UU JIITAMO IS MARI WAAGU? Sida uu qabo Prof Foley, waxaa Qodobka 12-aad ee Dastuurka Maraykanka ku qoran, waxaa jira kal-fadhi  loo dhan yahay oo aan caadi ahayn oo ay 6-da Jannaayo yeelanayaan labada aqal ee Koongarayska.

Haddii mudadaa uu is mari waagu taagan yahay, waxaa Senet-ka guddoominaya Madaxwayne Xigeenka Mike Pence, halka ay Nancy Pelosi noqon karto ku sime madaxwayne, haddii ay iyadu sii ahaato Afhayeenka Aqalka Hoose ee Wakiillada, waloow uu sheegay in senaariyahani yahay mid ay adag tahay inuu dhoco.

Hannaanka Maraykanka markii la qaabeeynayey looma samaynin inay dhici karaan arrimo noocan oo kale ah, balse sida uu qabo Prof Foley, ku talax tagga mowqifyada xisbiyadu (partisanship) waxay soo saartay iimo aan horay looga fikirin, taasoo halis ku ah qarannimada Maraykanka.

Wejiga hore ee Aqalka Cad

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media