Laacib caan ah oo Muslim ah oo ka laabtay ”like” uu saaray qoraalkii uu Khabib ku dhaliilayey MW Faransiiska

0

(London) 07 Nof 2020 – Laacibka reer Jarman ee Antonio Rudiger ayaa raalli gelin ka bixiyey riyaaq ama like uu saaray farriin qiiro xambaarsanayd oo uu feeryahanka miisaanka fudud ee Khabib Nurmagomedov uu soo dhigay Instagram kaasoo uu ku cambaareeynayey MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo uu ku haystey aflagaaddo uu ula bareeray Nabi Muxamed (NNKH) iyo weerarka Muslimiinta.

Nurmagomedov ayaa faafiyey sawirka Macron oo kabi wejiga uga taallo 30-kii Oktoobar xilli ay dunida Muslimku ay caro la qaacaysey, waxaana farriintan riyaaq saaray laacibkan Chelsea oo laftiisu Muslim ah, iyadoo ay sidoo kale like saareen 3.7 milyan oo kale.

“Raalli gelin ayaan ka bixinayaa like-ta, oo aan markii dambe la laabtay. Maxaa yaaley ma taageersani wixii uu soo qoray gebi ahaanba,” ayuu yiri Rudiger oo sida muuqata cadaadis la kulmay.

MUXUU SOO QORAY KHABIB?

“Ilaahay wejigiis ha gubo qashinkaan iyo inta raacsan, kuwaasoo iyaga oo xorriyad hadal ku gambanaya meel uga dhacaya dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu yiri.

”Ilaahay noloshan iyo midda dambe haku ihaaneeyo. Ilaahay waa dhaqse badan yahay waana arki doontaan,” ayuu raaciyey Khabib oo wax kusoo qoray af Ruushan, isagoo warkiisa soo raaciyey sawir bahdilan oo uu ka muuqdo MW Faransiisku.

“Waxaan nahay Muslim, waana jecel nahay Nabigeenna Muxammed (NNKH) in ka badan hooyooyinkeen, aabayaasheen, carruurteenna, xaasaskeenna iyo dhamaan dadka ku dhow qalbiyadeenna. I aamina dulmigu wuxuu kusoo noqonayaa iyaga, dhamaadka waxaa mar walba guulaysanaya kuwa Alle ka cabsanaya.” ayuu yiri Khabib oo soo qaatay aayad Qur’aan ah oo loogu gooddinayo kuwa tacaddiya.

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

Да обезобразит Всевышний лицо этой твари и всех его последователей, которые под лозунгом свободы слова оскорбляют чувства более полутора миллиарда верующих мусульман. Да унизит их Всевышний в этой жизни, и в следующей. Аллах скор в расчёте и вы это увидите. Мы – мусульмане, любим нашего Пророка Мухаммада (да благословит его Аллах и приветствует) больше, чем наших матерей, отцов, детей, жён и всех остальных близких нашему сердцу людей. Поверьте мне, эти провокации им выйдут боком, конец всегда за Богобоязненными. – ‎قبح الله وجه هذا الأبتر وجميع تبعهم الذين يؤذون الشعور أكثر من نصف مليار مسلم تحت قناع الحرية ‎أذلهم الله في الدنيا والآخرة إن الله سريع الحساب ‎نحن مسلمون نحب رسولنا ونبينا محمد صلى الله عليه وسلم أكثر من أمهاتنا وآبائنا وأبنائنا وأزواجنا ومن جميع خلق الله سبحانه وتعالى ‎صدّقوني هذه الاستفزازات سوف تخرج من أعناقهم والعاقبة للمتقين – Holy Quran 33:57 —————— إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينًا Воистину, тех, которые поносят Аллаха и Его Посланника, Аллах проклял в этом мире и в Последней жизни и уготовил им унизительные мучения.

Ett inlägg delat av Khabib Nurmagomedov (@khabib_nurmagomedov)

Hadalsame Media