”Haddii aad doonayso inaad sii joogto mushaharkaaga dhin” – Messi oo runta loo sheegay & Barca oo muquuranaysa mashaqo dhaqaale

0

(Barcelona) 07 Nof 2020 – Ninka u taagan xilka madaxtinnimada Barcelona ee Toni Freixa ayaa si cad u sheegay in Lionel Messi uu jaro mushaharka qaaliga ah ee uu qaato haddiiba uu doonayo in qandaraaska loo kordhiyo.

Jookarkan 33-jirka ah ayaa xagaagii sibiq uga hakaday inuu ka tago kooxdiisa kaddib markii ay dagaal isu caddaysteen maamulkii kooxda oo gebi ahaanba haatan is wada casiley, balse wixii loo gaaro bisha Jannaayo wuxuu la xaajoon karaa ciddii uu doono isaga oo xor ah.

Yeelkeede, in uu Messi sii joogo kooxda Catalonia ayaan weli si buuxda meesha looga saarin, balse Freixa ayaa wax uga taabtay waxa soo socda ama sugaya.

Kooxda Nou Camp oo bixisa mushaharooyin qaali ah ayaa wajahaysa marxalad dhaqaale xumo ah oo uu karoonuhu keenay, waxayna doonaysaa inay liiska lacag bixinteeda ay ka jarto £171milyan oo gini, iyadoo xitaa gadi karta qaar ka mid ah xidigeheeda si ay xisaabta u jimayso.

Messi waa ninka ugu qaalisan oo wuxuu todobaadkii jeebka ku shubtaa nus-milyan geni ama £500,000. Waxay sanadkii noqonaysaa £26m oo gini.

Freixa ayaa u sheegay El Curubito: ‘Leo waxaannu ula hadli doonnaa si deggan oo fool ka fool ah, annagoo maanka ku hayna danta Barcelona.”

Freixa (above) gave the stark warning with Barcelona currently embroiled in a financial crisis

Messi's deal, which runs down at the end of the season, is worth around £500,000-a-week

Wuxuu sheegay in qandaraaska loo bandhigi doonaa aanu la mid noqon doonin midka haatan maadaama ay jug wayni ku dhacday dakhligii kooxda, sida uu sheegay Freixa oo doonaya inuu buuxiyo booskii Josep Bartomeu oo ay is casilaaddiisu sii xumaysay xaaladda dhaqaale ee camaaliqada LaLiga.

Hadalsame Media