”Guddiga Doorashada waxaa noo magacaabay Madaxtooyada & Nabad Sugidda” – Gudd. Aqalka Sare oo war saxaafadeed soo saaray

0

(Muqdisho) 07 Nof 2020 – Guddoonka Aqalka Sare, Md Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka hor yimid Guddiyada Doorashada oo uu ku tilmaamay kuwo ”loo magacaabay.”

Guddoonka ayaa tilmaamay in aan lagala tashanin waxna aanu ka ogayn Guddiga doorashada qaybta ugu jirta gobollada woqooyi, isagoo sheegay in la dhinac maray hab-raaca oo qaba in ay iyagu si madax bannaan usoo doortaan cidda ay doonayaan, sida uu ku sheegay qoraal rasmi ah oo uu soo saaray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka loo soo xulay Guddiga Doorashada ee heer federaal iyo heer gobol aan ilaa haatan la garanaynin, isla markaana ay yihiin kuwo ay soo xusheen Madaxtooyada iyo Nabad Sugiddu.

Halkan hoose ka akhriso…

Hadalsame Media