”Tigreegu dhibka ay Soomaalida u gaysteen ma jiro nidaam Itoobiya soo maray oo u gaystey!” – Cagjar oo taageeray weerarka lagu qaaday Gobolka Tigreega

0

(Jigjiga) 06 Nof 2020 – MW Gobolka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa soo dhoweeyey weerarka ay DF Itoobiya ku qaadday Gobolka woqooyiga dalkaas ee Tigraay.

Cagjar ayaa sheegay in TPLF ay iyagu weerar ku qaadeen meelo ka tirsan Gobolka Amxaarada taasoo uu sheegay inay ”dalka gelinayso marxalad foolxun oo colaadeed oo aan lagu tala gelin”, sida uu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in TPLF aysan tani koow u ahayne ay muddaba qori dab leh la dhex maraysey degaannada iyo gobollada kale ee dalka, taasoo ay dad badani ku dhinteen ujeedkuna uu ahaa in aan cid kale xukunka nabad ku haysan iyaga dabadood, sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in meelaha ay dhibaatooyinkaa ka maleegtey uu ka mid yahay Gobolka Soomaalidu, halkaasoo ay dad badani ku dhinteen kaddib markii ay qoorta isu geliyeen Soomaalida iyo Oromada, isagoo tilmaamay in dhibka ay Tigreegu Soomaalida u gaysteen aanay jirin cid kale oo Itoobiya soo xukuntay oo u gaysatey.

‘Waxaa jira dad arrintaa afka ka meermeeriya oo aan dan u arag in hagardaamooyinkii TPLF ay iyaga siyaasad ahaan hadda anfacayso.” ayuu yiri Cagjar oo soo qaatay in xitaa ay dhulka Soomaalida qayb ka tirsan ay Oromada siiyeen intii ay xukunka joogeen.

Cagjar ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Ciidanka dhexe ee Itoobiya isagoo sheegay inay heegan gelinayaan ciidanka maxalliga ah, isagoo TPLF ku sheegay ”xoogag cunsuri ahaa oo Soomaalida gumeeyey.”

Dadka qaar ayaa qaba in Gobolka Soomaalidu uu danihiisa oo kaliya raacdo oo iska daayo kala taageeridda qoowmiyadaha Itoobiya, iyagoo tusaale usoo qaadanaya in taageeradii Cabdi Ileey uu Tigreega u muujiyey ay ahayd midda keentay inay Oromadu layso Soomaali badan oo rayid ah.

Hadalsame Media