MW Donald Trump oo dacwo furay iyo Joe Biden qarka u saaran inuu noqdo Madaxwaynaha xiga ee Maraykanka

0

(Washington, DC) 05 Nof 2020 – MW Donald Trump iyo Joe Biden ayaa guul wada sheeganaya waloow laga yara horreeyo ninka xilka haya oo haatan dacwo la tiigsadey cod tirinta gobollada ay ka mid yihiin Wisconsin, Georgia, Pennsylvania iyo Michigan.

Saxaafadda qaar ayaa u badinaysa in Biden uu ku guulaystey Michigan iyo Wisconsin. Waloow aysan weli kala caddayn natiijada Gobolka Pennsylvania, iyadoo haddii uu ku wada guulaysto 3-dan gobol oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Suunka Daxalaystey uu noqonayo Madaxwaynaha xiga, misna weli meesha lagama wada saari karo rajada Trump.

Dadkii ugu badnaa ee usoo baxa doorasho Maraykan muddo 120 sanadoo ah ayuu Biden ka helan 66.9%, taasoo ah 70.5 milyan oo codeeye, wuxuuna sidaa ku dhaafay Mr Trump pp helay 67.2 milyan, taasoo 4 milyan ka badan intii uu helay 2016-kii.

Dhanka Electoral College-ka waxaa horreeya Mr Biden oo haysta 253, halka Trump uu ilaa shalay ka ruqaansan la’yahay 213.

Dhanka Aqallada Koongarayska waxaa barbarro noqday Aqalka Sare oo ay haatan labada xisbi marayaan min 47, halka Aqalka Hoose ay kala marayaan 199 ay leeyihiin Dimoqraadigu iyo 188 ay leeyihiin Jamhuurigu.

Hadalsame Media