“Mushaarka billaha ihi wuxuu kaa hor istaagayaa inaad faqiir iyo taajir midkood noqoto!!” – Jack Ma

0

(Hadalsame) 05 Nof 2020 – Ninka ugu Taajirsan dalka Shiinaha ee Jack Ma oo hantidiisa Lagu qiyaaso 63.4 bilyan doollar ayaa yiri:

Hadaan Lacag iyo Moos ama Muus hordhigo Daanyeero waxay Daanyeeradu Dooranayaan Mooska Maxaa yeelay ma garanayaan in Lacagta ay ku iibsan karaan Moos ka badan…!

Si taa la mid ah inta badan Dadka marka lakala dooransiiyo Mashruuc iyo Mushaar Bille ah , ee shaqo Cayiman intooda badan waxay dooranayaan Shaqada Billaha ah, maxaa yeelay ma garanayaan in Mashaariicda laga helo wax ka badan Mushaarka,oo noloshooda wax ka bedelaya gebi ahaan.

Waxyaabaha Dadka ka dhiga Saboolka waxaa ka mid ah in aysan aqoon Fursadda ku jirta Mashaariicda.

Maxaa yeelay Inta ay noolaayeen oo ay wax ka baranayeen Iskuulada waxay arkayeen , had iyo goor Shaqada in Bishii Mushaar lagu qaato, waxayna meeshii ay Naftooda u shaqeysan lahaayeen u shaqeeyaan Asaagood..!

Waa Sax Mushaarka Billaha ah wuxuu kaa hor istaagaa Saboolnimada Laakiin ku darso wuxuu kaloo kaa hor istaagaa Inaad Taajir noqoto ( hodon noqoto).

Nolosheyda ma arkin qof shaqeeya 8 Subaxnimo illaa 3 Galabnimo oo Taajir noqday illaa mid wax isdaba mariyay ama musuqmaasuqay mooyee.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Axmed Jimcaale

Hadalsame Media