DF Itoobiya oo isgaarsiintii & duullimaadyadii ka jartay magaalooyin hoos taga gobollada Tigreega & Amxaarada

0

(Addis Ababa) 05 Nof 2020 – Shirkadda Ethiopian Airlines, oo ay leedahay DF Itoobiya ayaa hakisay duullimaadyadii maxalliga ahaa ee ay ku tegi jirtey gobollada woqooyi ee dalkaasi sababo amaan dartood.

Magaalooyinka duullimaadyada laga joojiyey oo ka kala tirsan Maamul-goboleedyada Amxaarada iyo Tigreega, ayaa waxaa ka mid ah Gonder, Meqelle, Shire iyo Axum, kuwaasoo hakad ku jiraya ilaa amar dambe, sida uu xaqiijiyey Fortune.

RW Itoobiya ee Dr Abiy Ahmed, ayaa shalay amar ku siiyey Ciidanka Xoogga Dalkaasi inay weerar toos ah ku qaadaan Maamulka Tigraay, iyadoo la jaray adeeggii isgaarsiineed ee gobolka.

Isla Maamul-goboleedka Tigreega ayaa shalay sheegay inay xireen hawadooda waloow aan la ogayn sida ay taa ku suuragelin karaan, waxay sidoo kale sheegteen inay goosteen ciidankii Taliska Woqooyi oo ku biiray ciidankooda.

Dhanka kale, xaaladda Maamulka Gobolka Tigraay oo si cad ugu fallaagoobey DF Itoobiya ayaan weli kala caddayn iyadoo la sheegayo inay dagaalladu socdaan.

Bayaanka kasoo baxay Rai’sul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in maamulkaasi uu “khadka cas ka tallaabay” islamarkaana si dadka iyo dalka loo badbaadiyo uu dookga qura ee iminka furani yahay in awood loo adeeegsado,” nidaamka TPLF.

Hadalsame Media