”Waxaan wadnaa dhaqdhaqaaq cusub!” – Ilhaan Cumar & asxaabteeda oo soo wada noqday

0

(Washington, DC) 04 Nof 2020 – Afarta gabdhood ee Dimoqraadiga ka socda ee lagu magacaabo ”Kooxda” oo aalaaba aad ula xafiiltama MW Maraykanka ee Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dhulka la galay dadkii Jamhuuriga ahaa ee la tartamayey iyagoo kursigooda wada difaacdey.

Gabdhahan isbedel doonka ah oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Rashida Tlaib, iyo Ayanna Pressley ayaa helay sharciyad cusub oo ay 2 sanadood oo kale kusii fadhiyaan Capitol Hill.

AOC, 31-jir, oo ah wejiga The Squad ee Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa si sahlan u difaacatey kursiga Koongarayska ee Degmada 14-aad ee New York, iyadoo garaacday John Cummings, oo ahaan jirey macallin iyo sarkaal booliis.

Cumar, 38-jir, ayaa iyaduna si xarrago leh meel u saartay Lacy Johnson oo ay isku hayeen Degmada 5-aad ee magaalada Minneapolis.

Gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar ayaa soo qortay: ‘Waxaan dhisaynaa dhaqdhaqaaq arkaya in dedaalkaygu uu ku xiran yahay kiinna, si aan u aragno dunida sare u qaadi karta dadka shaqeeya oo dhan.”

Hadalsame Media