”Waan guulaysan rabnaa!” – Biden oo kalsooni muujiyey & Trump oo cowday jeer aan doorashada weli lagu kala bixin

0

(Washington, DC) 04 Nof 2020 – Natiijada ilaa haatan soo baxaysa ayaa muujinaysa inay labada musharrax aad iskugu dhow yihiin, gaar ahaan gobollada aan aalaaba si fudud loogu kala bixin ee Galbeedka Dhexe iyo Suunka Daxalaystey sida Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Donald Trump ayaa ilaa haatan la sheegay inuu ku guulaysanayo 23 gobol oo ay ku jiraan  Texas, Ohio midka ay khasabka tahay in lagu guulaysto ee Florida, isagoo ka roonaaday sidii la sii saadaalinayey.

Madaxwaynaha ayaa se la yimid dood aan sal lahayn oo ah in wax la is dhaaf dhaafiyey isagoo ku gooddiyey inuu dacwad ka furayo Maxkamadda Sare oo intii uu joogey uu ka buuxiyey garsoorayaal uu isagu keenay.

Ninka ay is hayaan ee Joe Biden ayaa qaadan kara gobolka Arizona oo badiyaa Jamhuuriga u codeeya, iyo gobollo dhowr ah oo aalaaba buluug ah sida California, New Yorka iyo Massacusets.

Biden ayaa taageerayaashiisa gobolka Delaware ku yiri “doorashadu ma dhamaanin ilaa cod kasta la tirinayo” isagoo ku adkaystay: “Waxaan qarka u saaran nahay inaan badinno.”

Waxaa doorashadan ka qayb galay dadkii ugu badnaa muddo 100 sanadood ka badan, iyadoo tirinta codadku ay gobollada qaar qaadan doonto 5 maalmood.

Dhanka Electoral College-ka, waxay labada nin haatan kala marayaan 224 uu Biden leeyahay iyo 213 uu wato Trump, waxaana loo baahan yahay 270 si loo guulaysto.

Hadalsame Media