SOOMAALIDA SWEDEN: ”Dhibka uu Trump Soomaalida ku hayo ayaan ula soconnaa doorashada Maraykanka” (Dhegeyso)

0

(Washington, DC) 04 Nof 2020 – Waxaan weli lagu kala bixin doorashada madaxtinnimada Maraykanka oo ay isku hayaan Madaxwaynaha xilka haya ee Donald Trump oo ka socda Jamhuuriga iyo MW Xigeenkii hore ee Joe Biden oo metelaya Dimoqraadiga.

Waxaannu haddaba mikrafoonka la dhex qaadnay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden annagoo waydiinney inay la socdaan doorashada Maraykanka iyo sababta? Waxaa dadkaa ka mid ah Cabdulqaadir Qoordheere.

Natiijada ilaa haatan soo baxaysa ayaa muujinaysa inay labada musharrax aad iskugu dhow yihiin, gaar ahaan gobollada aan aalaaba si fudud loogu kala bixin ee Galbeedka Dhexe iyo Suunka Daxalaystey sida Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Donald Trump ayaa ilaa haatan la sheegay inuu ku guulaysanayo 23 gobol oo ay ku jiraan  Texas, Ohio midka ay khasabka tahay in lagu guulaysto ee Florida, isagoo ka roonaaday sidii la sii saadaalinayey.

Ninka ay is hayaan ee Joe Biden ayaa qaadan kara gobollada Colorado, New Mexico, halka dhanka koonfurta aan lagu kala bixin Georgia, Nevada iyo  Arizona oo badiyaa Jamhuuriga u codeeya, iyo gobollo dhowr ah oo lagu naanayso Suunka Buluugga ah sida xeebta galbeed min California, Oregon ilaa Washington State, iyo xeebta bari New Yorka iyo Massacusetts, iyo qaar badan oo ka tirsan gobollada New England.

Waxaa doorashadan oo xitaa caalamiyan sidaa isha loogu hayo ka qayb galay dadkii ugu badnaa muddo 100 sanadood ka badan, iyadoo tirinta codadku ay gobollada qaar qaadan doonto 5 maalmood.

Dhanka labada aqal ee Koongarayska waxaa midka wakiillada ee hoose weli gacanta ku haya Dimqraadiga oo leh 180 halka ay Jamhuurigu leeyihiin 171, halka Senet-ka ay aad iskugu dhow yihiin oo waxaa 47 leh Jamhuuriga, halka ay Dimoqraadigu leeyihiin 46 xubnood.

Dhanka Electoral College-ka, waxay labada nin haatan kala marayaan 224 uu Biden leeyahay iyo 213 uu wato Trump, waxaana loo baahan yahay 270 si loo guulaysto.

Hadalsame Media