RASMI: Joe Biden oo jebiyey rikoodhka dadkii ugu badnaa ee Madaxwayne abid u codeeya

0

(Washington, DC) 04 Nof 2020 – Musharraxa madaxtinnimada Maraykanka ee Joe Biden ayaa helay codadkii ugu badnaa abid taariikhda dalka Maraykanka oo idil.

Mr Biden ayaa jebiyey rikoodhkii hore ee uu dhigay saaxiibkii Barack Obama kaddib markii uu helay 67.7% codadka dadwaynaha oo weli tiris ku socdo.

Codadkan faraha badan ayaa waxaa ugu wacan soo bixitaanka dadka codaynaya oo sidoo kale ahayd middii ugu badnayn muddo 100 sano ka badan.

Dhanka kala horreeynta, Biden ayaa haatan helay gobolka Wisconsin ee muhimka ah isagoo guud ahaan dhanka Electoral College ka helay 237 isagoo u baahan mid ka mid ah 4 gobol oo la isku haysto, halka uu Trump marayo amaba dhaafi la’yahay 213.

Hadalsame Media