Maxkamad xukun culus oo xabsi & ganaax iskugu jira ku riddey milkiilaha hilinka Astaan TV

0

(Hargaysa) 04 Nof 2020 – Maxkamad ku taalla magaalada Hargaysa ayaa xukun aan dembigiisa la fahmi karin ku riddey milkiilaha Astaan TV.

Cabdiraxmaan Yuusuf oo ah asaasaha iyo milkiilaha Astaan TV oo muddaba isaga oo aan maxkamad lasoo taagin ku xirnaa magaalada Hargaysa ayaa lagu xukumay xabsi 5 sanadood ah iyo lacag ganaax ah oo gaaraysa 2 bilyan oo Shilinka Somaliland ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale meelaha uu maamulo nidaamka Somaliland ka mamnuucday hilinka Astaan TV, iyadoo aan la fahmi karin dhibka uu Astaan TV gaystey.

Qaar ka mid ah maamulka Astaan TV ayaa durba xukunkan cambaareeyey, iyadoo ay warar hore sheegayeen in dad ku dhow MW Somaliland ay doonayeen inay khasab kula shirkoobaan milkiilaha Astaan TV, balse markii uu diidey la xirtey.

Hadalsame Media