DEG DEG: Maamul-goboleedka Tigraay oo sheegay inay hawadooda xirteen (Taliskii Woqooyi oo ay sheegeen inuu goostay & Maraykanka oo war soo saaray)

0

(Addis Ababa) 04 Nof 2020 – Wasiirrada DF Itoobiya ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogey Gobolka Tigraay, taasoo soconaysa muddo 6 bilood ah, waxaana tillaabadan oo ay fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalkaasi mas’uul ka ah RW Abiy Ahmed.

Maamul-goboleedka Tigraay ayaa iyagoo taa ka dabaaqaya waxay iyaguna sheegeen inay mamnuucayaan dhamaanba duullimaad kasta oo soo gala ”hawada gobolkaasi”.

Maamul-goboleedka ayaa intaa raaciyey in Taliska Woqooyi ee Ciidanka Xoogga dalkaasi oo saldhigta gobolkaasi ay haatan ka goosteen DF Itoobiya oo ay iyagu gacanta ku hayaan, balse DF arrintaa weli kama hadlin.

Dhanka kale Safaaradda Maraykanka ee dalkaasi Itoobiya ayaa wax ay ku tilmaantay “dhinacyada ugu baaqday inay xaaladda qaboojiyaan, iyadoo sheegtay in diiradda la saaro badbaadada iyo amaanka dadka rayidka ah.”

Warka Safaaradda Maraykanka ayaa ah tabta loola hadlo Somalia oo burburkii kaddib u kala jajabtay dhinacyo is diiddan oo aan dal iyo dad toona u adeegin.

Hadalsame Media

Facebook Comments