Turkiga oo qabanaya carwo gaashaandhig middii ugu ballaarnayd oo lagu sameeyo 3D + Sawirro

0

(Ankara) 03 Nof 2020 – Turkiga ayaa qabanaya carwada dhanka daafaca ugu ballaaran ee SAHA Expo taasoo bilaabanaysa todobaadka soo aaddan.

Carwadan oo ay soo agaasimeen sharikaadka SAHA Istanbul Defence iyo Aerospace Cluster Association, ayaa Covid-19 dartii waxay adeegsanaysaa muuqaal 3D ah oo la yiraahdo  XperEXPO, oo ah app ay samaysay sharikadda dhanka tiknolojiyadda ee Turkiga ee BITES, taasoo wada shaqayn la leh camaaliqada isla Turkiga ee dhanka daafaca ee ASELSAN.

Sida ay sheegayaan abaabulayaashu waxay noqon doontaa carwadii ugu horreeysey caalamka ee dhanka gaashaandhigga ah ee loo adeegsado sawirka 3 dhinaclaha ah ee 3D.

Carwadan oo soconaysa 5 bilood — inta u dhaxaysatween Nov. 9, 2020 and Abriil 9, 2021 — ayaa waxaa qayb ka noqon doona shirar dhanka khadka ah oo ay kasoo qayb geli doonaan 300 oo qofood.

Waxyaabaha carwadan lagu soo bandhigi doono waxaa ka mid ah agabyada daafaca ee ay Turkigu soo saaraan oo ay ku jiraan daroonnada Akinci iyo TB2 (UCAV), iyo dayuuradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo qaar kale.