”Maqla warka Macron” – Imaaraadka oo noqday dalka qura ee Muslim ah ee taageeray MW Faransiiska

0

(Abuu Dabeey) 03 Nof 2020 – Wasiiru Dowladaha Imaaraadka ayaa soo jeediyey inay Muslimiintu aqbalaan aflagaadada MW Faransiiska ee Emmanuel Macron si buu yiri ay u “dhex galaan” bulshooyinka Galbeedka.

“[Muslimiintu] waa inay si deggan u dhegaystaan waxa uu Macron warkiisa ku yiri. Ma doonayo inuu go’doomiyo Muslimiinta Galbeedka waana ku saxan yahay gebi ahaanba,” ayuu ku dooday Anwar Gargash, oo waraysi siiyey warqaadka Jarmanka ah ee Die Welt.

Wuxuu sheegay in Muslimiintu ay u baahan yihiin in ”si wanaagsan loo dhex geliyo” dadka, isagoo tilmaamay in MW Faransiisku uu raadinayo qaab “uu ula dagaallamo xag-jirnimada iyo kala xirnaanta bulshada.”

Gargash ayaa difaacey MW Faransiiska oo si cad u sheegay inuu taageersan yahay in la aflagaadeeyo Nabi Muxamed (NNKH), isla markaana marar badan si furan u caayey diinta Islaamka oo uu ku sheegay mid xasaradda iyo argagixisada dhasha.

Hadalsame Media