”Hanoo imanina!” – Makhaayad ku taalla caasimadda Jarmanka oo laga mamnuucay madaxda ugu sarreeysa dalkaasi & sabab la yaab leh

0

(Berlin) 02 Nof 2020 – Madaxda sare ee ka dambeeya in la xiro makhaayadaha iyo meelaha wax laga cabo ee dalkaasi Jarmanka ayaa liiska madoow la geliyey iyagoo aan lagu soo dhowayn doonin ‘Standige Vertretung,’ oo ah makhaayad caan ka ah Berlin oo ay tagaan siyaasiyiintu.

Milkiilayaasha makhaayadda ayaa aad uga caroodey in qayb ahaan la xiro dhaqaalaha Jarmanka si loo yareeyo faafitaanka cudurka Covid-19, waxayna muuqaal ay soo dhigeen Facebook ku cambaareeyeen dowladda oo ay sheegeen inay ku fashilantay inay dalka si ka wanaagsan ugu diyaariso moowjadda 2-aad ee cudurka iyagoo iminka xirey makhaayadaha oo bixiya 2.5 milyan oo shaqo balse xirnaanaya Nofeembar oo dhan, halka ay iyagu dadaaleen tan iyo Abriil.

Milkiilayaasha Jorn Peter Brinkmann iyo Jan Philipp Bubinger, ayaa sheegay in makhaayadda ‘Standige Vertretung’ aysan cag soo dhigi karin RW Angela Merkel, RW Xigeenka Olaf Scholz, Duqa Magaalada ahna Guddoonka Gobolka Berlin Michael Muller, Wasiir Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Bavaria Markus Soder iyo Senatar ka tirsan Guddiga Caafimaadka Dilek Kolat.

Hadalsame Mediadh

Facebook Comments