Dal Muslim ah oo badeecada Faransiiska ku bedelaya mid uu soo saaro dal Muslim ah

0

(Hadalsame) 03 Nof 2020 – Dukaamada dalka Pakistan ayaa wada qaadacaada badeecada iyo adeegyada Faransiiska kaddib hadalladii kasoo yeerayey MW dalkaasi Emanuel Macron.

Pakistan ayaa waxaa sidoo kale ka socda olole dadka lagu boorrinayo inay iibsadaan alaabooyinka iyo adeegyada dalka Turkiga.

Waxaa dukaamada waawayn ee ku yaalla magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi lagu arkayaa qoraallo dadka u sheegaya inay iibsadaan badeecooyinka Turkiga halkii ay gadan lahaayeen midda Faransiiska.

Arrintan ayaa qayb ka ah hindise caalami ah oo ka socda dunida Muslimka oo cadaadis lagu saarayo dalka Faransiiska, gaar ahaan MW Macron oo bilihii dambe weerarro joogto ah ku hayey Islaamka.

Hadalsame Media

Facebook Comments