SAWIRRO: Muqdisho oo biyo dhex fadhida & guri dumey (Maamulka Gobolka Banaadir …..)

0

(Muqdisho) 02 Nof 2020 – Magaalada Muqdisho ayaa biyo dhex fadhiga maanta kaddib roobab mahiigaan ah oo ah kuwa Dayrtu uu xalay halkaa ka da’ay waxaana go’ay jidadkii halbowlaha ahaa ee magaalada Muqdisho oo aan lahayn hannaanka qashin saarka ah ee bullaacadaha.

Waxaan inta badan shaqaynayn Gaadiidka Dadwaynaha maadaama ay webiyo u ekaadeen jidadkii waawaynaa sida Sodonka, Wershadaha, Bakaaraha iwm, maadaama uu roobka oo aad u xooggani uu da’ayey saacado badan oo xiriir ah.

Meelaha ugu daran ee aalaaba uu dhibka ugu badani gaaro waa guryaha cooshadaha ah ee xeryaha barakacayaasha oo ayaga oo awalba nolosha la hardamayey aan misna lahayn mug ay ku xamilaan roobabka noocan oo kale ah.

Ilaa haatan waxaa lasoo sheegayaa inuu guri ku dumey qoys degganaa Degmada Hawlwadaag waloow aan la sheegin khasaare nafeed oo dadkii guriga degganaa la badbaadiyey.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isagu sheegay inuu darbayo booyado biyaha ka dhuuqa jidadka, balse arrintaas ayaan noqon doonin xal waari kara iyadoo loo baahan yahay hannaan bullaacadeed oo isku xiran.

Hadalsame Media