Masar oo isu dhowaynta Carabta & Israel u adeegsanaysa istaraatijiyad qaran oo halis ku ah Itoobiya

0

(Hadalsame) 02 Nof 2020 – Marka hore aan waxyar ka iftiimiyo saameeynta Masar ee Carabta ay ku dhax leedahay.

Masar waa xubin aad u firfircoon oo kamid ah ururka carabta (ARAB LEAGUE) ururkaan Carabta waxaa lagu aasaasay Magaalada Qaahira Bishii March 22-kedii Sannadkii 1945-kii xarunka ururkaana waa Qaahira oo madaxda carbeed ku kulmaan taasoo marwaliba Masar la socon karto dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dowlad waliba oo ururka (ARAB LEAGUE) ah iyadoo inta badan shir gudoonsha dowladda masar waxaana looga hadlaa qaddiyadda Falastiin iyo iskaashiga dowladaha carabta,sidaas daraadeed Masaaridu waa mid isu dheeli tiri karto siyaasadeeda arimaha dibada iyo danaha reer galbeedku ay ka leeyahiin carabta.

Kadib dagaal laba jeer dhaxmaray Masar iyo Israel ayaa Qaahira waxa ay noqotay dowladdii Carbeed ee ugu horeysay ee aqoonsato Israel iyadoo ku badalatay in Israel si nabada ah ugu baxdo dhulka ay ka haysato waxaana safiiro ay is dhaafsadeen Televiv iyo Qaahira Sannadkii 1980-kii.

Dad badan oo indheer garad ah ayaa aaminsan in Masar ay ku shaqeeysato ururka carabta kuna miisaanto siyaasadeeda arimaha dibadda waxaana qaahira maanta ay carabta ku qancineeysaa in qatarta ugu weeyn ee dowladaha carabta ay wajahayaan ay tahay IIRAAN israelna la fahmi karo iyadoo Masar ay iskatuuratay qaddiyaddi Falastiin ee madada dheer soo taagneeyd.

Haddaba dheefta masaaridu ay ka heleyso ka shaqeeynta xariir dhaxmara israel iyo carabta waxay tahay in taageero siyaasadeed ay u hesho culeyska kaga imaaniya biyo xereenka webiga niilka ee Ethopia iyadoo ethopia ay Masar kaga guuleeysatay in midowga afrika ( AFRICA UNION) ku qanciso in ay xaq u leedahay ka faa’iideeysiga biyaha wabiga niilka sidaas daraadeed qaahira waxay lasoo baxday weji cusub oo Washington ay ku beerlaxawsato ka shaqeeynta isusoo dhawaanshaha carabta iyo israel taasna waa talaabada kali ah oo Masar ay reer Galbeedka kaga heli garto taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalo.

Guud ahaan marka la eego Masar waa dalaal reer galbeedku ay ugu maarmin danaha ay ka leeyihiin bariga dhexe,waxaayna kusoo xero galin doontaa badi dowladaha carabta qaab qarsoodi ah oo isfaham hoosa ah marka laga reebo dowladaha taageera ururka IKHWAANO MUSLIIMIINTA.

Masar waxa ay doonaysaa in arimahan Gaashaan buurta Nato ay kaga hesho isbarbartaag siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba haddii tooshka carabta ay ka weeciso Israel kuna weeciso Iiraan.

W; D: Mohamed Osman Canjar

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media