Maxaa kala qabsaday nin Ingiriis oo maqlay ”qabka Soomaalida” & markii uu dalka yimid 40-meeyadii?!!

0

(Hadalsame) 01 Nof 2020 – Nin Ingriis ah oo aad u daneeyey islaweynida Soomaalida ay u hayso dadnimadooda iyo mowqifkooda aan lahayn shakiga ee ku aadan in gobanimadooda ay ka difaacdaan shisheeyaha, ayaa safar ku yimid Soomaaliya 1942, isaga oo lugta ku marayey gobolada waqooyi dhinacooda koofureed. Ninkaas wuxuu heystey sawir ah in dadkii jebiyey wadanka Ingiriiska oo adduunka horey ugu awooda roonaan jirey, iney leeyihiin qiimo aad u sareeya oo ay u hayaan dhowrista heybada iyo sharafka dadnimadooda.

Maxaa yeelay dadka Ingriiska waxay mar kasta ku ahayd arrin aan la qaadan karin markii gumeysiga Ingriisku uu la galay dagaalka dagaalyahankii gobonimada Soomaaliyeed ee Sayid Mohamed Cabdulle Xasan in ciidankii Soomaaliyeed ay kumanyaal dagaalka ugu dhimanyeen iyaga oo ka soo jeeda dal dadkiisu tiro yar yahay, haddana aadan moodin in dad ka dhinteen qiimaha ay u qabaan sharafka madaxbanaanidooda awgeed.

Nasiibdarro markii ninkaas uu hoos u dhexgalay bulshada dadka Soomaaliyeed ee degaan kaas wuxuu kala kulmay wax qiimo ahaan uu aadamigu ka argagaxo. Wuxuu arkay in dadka Soomaaliyeed aysan ehelnimo waddaninimo aysan wadaagin oo waxa ay degaanka ka aaminsan yihiin uu yahay gooni u daaq.

Waxaa yaab weyn ku noqotay inuu ogaado in marka beelaha wada dega ay colaad dhexmarto sida aan raacsaneyn qiimaha dadnimada oo ay iskula dhaqmaan gudahooda, haddana dhaqankaas xun ay ku faanayaan oo ay weliba iskula weyn yihiin. Wuxuu tusaalle u soo qaatay in dagaalyahanka beelaha oo intooda badan ah rag, ay ku dhiiran yihiin in naag uur leh oo ah hooyo mudan gargaar aadaminimo iyo in lagala xishoodo dhib la dareensiiyo, iney dooxaan uurkeeda, haddana ay gowracaan caruur aan dhalan oo isla mar ahaantaasna ay ku faanaan iney dileen cunug wiila.

Soomaalidu Illaahay wuxuu siiyay karaamo iyo garaad wax lagu garto. Nimcada ugu weyn Illaahay swc na siiyay waa Diinta Islaamka, mana jirto walina uunka laguma sheegin nimco ka weyn nimcada aan ka ahayn diinta Islaamka. Hadana waxaa wanaagsan inaan si dhaqan wanaagsan leh ugu dhaqano diinteenna. Islaamka waa diin nasteexo ah, qofkii haystana looga baahan yahay inuu la yimaado dhaqan wanaagsan oo waafuqsan diinteena si dadnimadeena ay u noqoto mid ku dabadayasho mudan.

Xigasho: Afrikaan.so

Hadalsame Media