XOG: Xasan Sheekh oo Sirdoonka Israel kulan qarsoodi ah kula yeeshay Sharma Sheekh

0

(Sharma Al Sheekh) 31 Okt 2020 – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in MW hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Masar uu halkaa kula kulmay Sirdoonka Israel.

Sida lagu qoray Twitter ay leeyihiin Somali News Updates, Xasan Sheekh ayaa magaalada loo dalxiis tago ee Sharma Al Sheekh kula kulmay Sirdoonka Israel.

Xogtan oo aan si rasmi ah weli loo xaqiijin karin ayaa sheegaysa in laga wada hadlay waxyaabo ay ka mid yihiin doorashada soo aaddan iyo xiriir ay yeeshaan Somalia iyo Israel oo aan abid yeelanin xiriir rasmi ah.

Sida lagu qoray Twitter-ka, MW Maraykanka ayaa horay MW Somalia ugu bandhigay inuu xiriir rasmi ah la yagleelo Israel, balse wuu diidey, sida ay qoreen.

Maamulkii uu Xasan madaxwaynaha ka ahaa ayaa horay mar loo hadal hayey inay kulan qarsoodi ah la yeesheen nidaamka Tel Aviv 2016-kii, iyadoo ay haatan ilaa 3 dal oo Carbeed ay xiriir toos ah la yeesheen Israel oo aan waxba ka tanaasulin.

Ma jiraan ilo kale oo madax bannaan oo warkan xaqiijinaya, waxaan sidoo kale ka hadlin Xasan Sheekh.

 


Hadalsame Media