“Waan fahmi karaa carada Muslimiinta!” – Macron oo ku hadlay lahjad ka jilicsan middii hore iskana fogeeyey…

0

(Paris) 31 Okt 2020 – MW Faransiiska ee Emanuel Macron ayaa luuqad middii hore ka debecsan mar uu waraysi siiyey hilinka Al Jazeera ee dalka Qadar.

“Waa fahmi karaa in Muslimiintu ka argagexeen kartuunna balse marna ma aqbali doono in gacan ka hadal loo qiil dayo,” ayuu yiri isagoo tix raacaya weerarkii kaniisadda Nice.

Macron ayaa dhanka kale ku dooday in wargayska aadka u maaga Muslimiinta ee Charlie Habdo uusan hoos tegin Dowladda Faransiiska oo uu yahay mid madax bannaan.

“Waxaa waajib naga saaran yahay inaan ilaalinno xorriyadeena hadalka iyo xuquuqeheenna,” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media