Markab dagaal oo ay Faransiisku leeyihiin oo daba dhigtay maraakiibta Turkiga ee gaaska ka baaraysa Badda Dhexe (Arag raadaarka)

0

(Ankara) 31 Okt 2020 – Markab dagaal ay Faransiisku leeyihiin oo ah nooca frigate-ka ayaa isaga oo ku sugan Bariga Badda Dhexe wuxuu daba dhigtay maraakiibta Turkiga ee gaaska halkaa ka baaraysa, sida ka muuqata sawirrada la helay.

Sawirradii ugu dambeeyey ee ay faafisay Agence France-Presse (AFP), ayaa muujinaya in markabka La Fayette markabka oo iyada oo mugdi ah isticmaalaya raadaarka iskaanka ah, iyadoo ay shaxannada afar-xagalka cas ihi ay muujinayaan meelaha ay joogaan maraakiibta gaaska sahminaysa, sida Oruç Reis iyo Barbaros.

France ayaa tan iyo bishii Agoosto wuxuu Bariga Badda Dhexe usoo dirayey maraakiib dagaal, isagoo Giriigga la saftay markii ay xiisaddu dhex martay iyaga iyo Turkiga oo ay ku wada jiraan NATO.

Ankara ayaa Athens ku eedeeysey inay ku dhaqmayaan siyaasad wax badsi ah (maximalist policy) iyagoo sheeganaya inay jasiirado aad ugu dhow Turkigu ay leeyihiin aag dhaqaale u gaar ah (EEZ).

Waxay sidoo kale labada dhinac isku khilaafsan yihiin sida loo qaybsanayo khayraadka tamareed ee ku jira biyaha labada Qubrus ee Turkish Republic of Northern Cyprus (TRNC) iyo Greek Cypriot.

Raadaarka La Fayette oo bishii Agoosto dhoollatus hiillo ah kala qayb qaatay Giriigga iyo Qubrusiyiinta Giriigga si loo muujiyo wax uu Macron ku sheegay moowqif midaysan oo Yurub ka qaadato Ankara, ayaa muujinaya markab ay Ingiriisku leeyihiin oo la yiraahdo Limassol, mid Qubruska Giriigga, mid Ruushku leeyahay iyo midka Turkiga ah ee Oruç Reis oo baaris ka dhex wada jasaa’irka Giriigga ah ee Kastellorizo iyo Rhodes, taasoo ay aad uga qaylisay Athens.

Hadalsame Media