DEG DEG: Wadaad Masiixi ah oo Faransiiska lagu toogtey & wixii u dambeeyey + Muuqaal

0

(Lyon) 31 Okt 2020 – Wadaad Masiixi ah oo ka tirsan Kaniisadda Greek Orthodox ayaa la toogtay oo si xun loogu dhaawacay magaalada Lyon.

Ninkan oo 52-jir ah ayaa kaniisadda xirayey markii uu soo weeraray nin hubaysan oo dhowr xabbo la helay si xunna u dhaawacay.

Dadkii goobjoogga ahaa ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa ugu yaraan 2 xabadood, waxaana kaddib qaylisay qof haweenay ah taasoo keentay inuu ninku cararo.

Ninka oo 40-jir lagu qiyaasay kuna hubaysan qori ah nooca lagu ugaarsado ayaa waxaa hadda ku raad jooga booliiska lamana yaqaanno haybtiisa.

 

Hadalsame Media