Halka lagu qabtay munaasabaddii xil wareejinta Wasaaradda Isboortiga oo arrin aan la ogayn kashiftay

0

(Muqdisho) 29 Okt 2020 – Sawirkaan waxaa laga soo qaaday munaasabad ay shalay Khadiija Diiriye ku wareejisay xilkii Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Munaasabadda waxaa lagu qabtay dhismo uu leeyahay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, oo ah hay’ad dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba ka madaxbannaan wasaaradda.

Isla wasiiradda— oo goobta hadal ka jeedisayna, waxay sheegtay in xafiiskii wasaaraddu uu burbursan yahay, oo laga cabsaday inuu shaqaalaha ku soo dumo.

Waana taas sababta keentay in xilwareejintu ka dhacdo xarun uu Guddiga Olombikadu u sameeyay ciyaartoyda tartamada caalamiga ah loo xareynayo (Athletes centre).

Saddex sano oo ay xilka haysay, dhaxalka ay Khadiija reebtay waa wasaaraddaas in lagu dhex shaqeeyo iska daaye, qofkii dhexdeeda maraaya uu faataxada akhrisanaayo si aysan ugu soo dumin.

Sidaas oo ay tahay, Marwa Khadiija oo ay taageerayaasheeda Facebook-gu ugu yeeraan Maamii, waxay dhawaan heshay abaalmarinta “Shakhsiga Sannadka”. Maxay ku muteysatay? Sababtoo ah waa Maamii, Maamuu iyo Maamaa!

Waxaa Qoray: Max’ed Cabdullaahi Dhaaleey

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media