DAAWO: ”Khayrre ayaa la igu dacweeyey!” – Wasiiradda Caafimaadka oo kashiftay mas’uuliyad darrada madax ka mid ah DF

0

(Muqdisho) 29 Okt 2020 – Wasiirradda Caafimaadka, Dr Foowsiya Abuukar Nuur, ayaa sharraxaad ka bixisay musuqa ay sameeyaan madaxda sare ee ku jira DF Somalia oo iskugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo kuwo xilal kale haya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in boosas loogu tala galay dadka saboolka ah in si bilaash ah loogu daweeyo isbitaallada ay Turkigu maamulaan ee magaalada Muqdisho ay isku garbiyaan madaxdaas oo u doonaya dad iyaga ehel la ah, halkii ay iyagu lacagaha ka bixin lahaayeen maadaama ay horayba u qaateen lacago badan oo aan ka go’in dal faqri ah sida Somalia.

Waxay Wasiiraddu intaa ku dartay in xitaa ay madaxdii u timid ugu gooddiyeen inay ku adkayn doonaan marka ay xeerar umadda dan u ah la hor geeyo Baarlamanka.

”Shirkad kasta waxaa Baarlamanka u dhex fadhiya dad difaacaya iyaga danahooda. Xitaa waxaa laygu dacweeyey RW hore ee Xasan Cali Khayrre.” ayay tiri Foowsiya oo sheegtay inaysan waxaas u joojinin.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay soo yeerto in ay fursadaha iyo adeegyada kooban ee dalka wada qaataan nimanka madaxda ah, waxaa horay dhowr mar loo soo hadal qaaday dhibaatada ka taagan fiisooyinka iyo sidoo kale qofka shacabka ah oo markii uu wax uga baahdo xafiisyada dowladda lagu xujeeyo inuu Wasiir ama Xildhibaan keeno, taasoo ah wax aan suuragal u noqon karin qof kasta oo ka mid ah dad lagu qiyaasayo in ka badan 15 milyan oo qof.

Hoos ka daawo…

Hadalsame Media